Wararka ka imanaya Bariga Dhexe ayaa sheegaya in Mareykanku bilaabay inuu ciidamo gaar ah ku daabulo gudaha Israa’iil, si ay uga qayb qaataan kormeerka iyo fulinta heshiiska joojinta dagaalka ee dhawaan la gaaray, kaas oo u dhexeeya maamulka Tel Aviv iyo ururka Xamaas.
Telefishinka ABC News, oo soo xiganaya ilo xog ogaal ah, ayaa sheegay in ciidamadii ugu horreeyay ee Mareykanka ay gaareen Israa’iil, halkaas oo ay ka bilaabeen howlgal lagu taageerayo hirgelinta iyo kormeerka heshiiska xabbad-joojinta ee lagu soo afjaray dagaalka Qaza.
Saraakiil Mareykan ah ayaa sheegay in ciidamadaasi aysan qayb ka noqon doonin hawlgallo militari, balse ay diiradda saari doonaan daba-galka, la socodka iyo xaqiijinta in dhinacyadu ay u hoggaansamaan shuruudaha heshiiska.




From the comments