Dowladda Mareykanka ayaa ku hanjabtay in ay cunaqabatayn iyo xayiraado fiise kusoo rogayso dalalka xubnaha ka ah Qaramada Midoobay ee taageeray qorshaha cusub ee Ururka Caalamiga ah ee Maraakiibta (IMO) ee la xiriira dhimista qiiqa ka yimaada maraakiibta ganacsiga caalamiga ah.
Wasaaradda Arrimaha Dibadda ee Mareykanka ayaa sheegtay in qorshahaas uu halis ku yahay danaha dhaqaale ee shirkadaha maraakiibta Mareykanka iyo kuwa saaxiibada dhow ee Washington, iyadoo lagu eedeeyay dalal badan oo ka tirsan Aasiya, Afrika iyo Yurub in ay riixayeen heshiis lagu kordhinayo canshuurta ama xaddidaadda shidaalka maraakiibta.
Saraakiil ka tirsan dowladda Mareykanka ayaa sheegay in tallaabo kasta oo sharci-darro ah oo lagu curyaaminayo ganacsiga caalamiga ah ay keeni karto jawaab adag, taas oo ay ku jiri karaan xannibaad safar, cunaqabatayn dhaqaale, iyo cadaadis diblomaasiyadeed oo ka dhan ah dowladaha taageeray qorshaha IMO.




From the comments