Wasiir-Dowleha Arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga ah ee Soomaaliya, Mudane Cali Maxamed Cumar (Cali Balcad), ayaa magaalada Lomé ee caasimadda dalka Togo kulan rasmi ah kula yeeshay Wasiirka Arrimaha Dibadda, Iskaashiga iyo Isdhexgalka Afrika ee Jamhuuriyadda Togo, Mudane Robert Dussey.
Kulankan ayaa diiradda lagu saaray xoojinta xiriirka laba geesoodka ah ee Soomaaliya iyo Togo, iyo sidii loo horumarin lahaa iskaashiga diblomaasiyadeed, dhaqaalaha, iyo xiriirka istiraatiijiga ah ee labada dal.
Labada wasiir ayaa ku celiyay go’aankooda ah in la dhiso xiriir ku saleysan kalsooni iyo ixtiraam wadaag, iyagoo ka wada hadlay arrimo dhowr ah .




From the comments