Dagaal culus oo ka oo ka dhexqarxay Pakistan iyo Afghanistan

Is-rasaaseyn xooggan ayaa ka dhacday xadka u dhexeeya Pakistan iyo Afghanistan, kadib markii ciidamada Taliban ee Afghanistan ay weerar ku qaadeen fariisimo ay Pakistan leedahay, sida ay sheegeen saraakiil amni oo labada dal ah.
Weerarkan ayaa yimid saacado uun kadib markii Pakistan ay duqeyn cirka ah ka fulisay magaalada Kabul toddobaadkan.
Saraakiisha ammaanka ee Pakistan ayaa xaqiijiyey in ciidamadoodu ay ku jawaabeen hubka noocyadiisa kala duwan oo ay kaga hortageen waxa ay ku tilmaameen “rasaas aanay sababteeda lahayn oo kasoo dhacday dhanka Afghanistan.
Iska horimaadyo ayaa ka dhacay in ka badan lix goobood oo ku yaalla xadka labada dal, iyada oo labada dhinac ay isku adeegsanayeen hub culus iyo madaafiic.
Dhanka kale, afhayeenka wasaaradda difaaca ee Afghanistan, Enayatullah Khowarazmi, ayaa sheegay in weerarka ay fuliyeen ciidamada Taliban uu ahaa mid aargudasho ah, kadib markii Pakistan ay ku xadgudubtay hawada Afghanistan iyadoo duqeymo ka gaysatay gudaha Kabul.
Warbaahinta maxalliga ah iyo saraakiil Pakistan laga soo xigtay ayaa sheegay in ciidamada Taliban ay qabsadeen saddex fariisin oo ay Pakistan leedahay, hase yeeshee dhinaca Pakistan ayaa ku andacooday inay burburiyeen dhowr saldhig oo Afghan ah.
Fiidiyowyo ay faafiyeen saraakiil Pakistan ah ayaa muujinaya madaafiic iyo rasaas culus oo laga ridayo dhanka Pakistan, taas oo iftiimisay cirka habeenkii, iyadoo muujinaysa sida uu u darnaa iska horimaadkaas.
Weerarkan ayaa kor u sii qaaday xiisadda u dhaxaysa Islamabad iyo maamulka Taliban ee Kabul, taas oo bilooyinkii u dambeeyay kasii daraysay, iyadoo Pakistan ay ku eedeysay Taliban inay hoy u noqotay kooxaha hubeysan ee weerarada ka geysta gudaha Pakistan, halka Kabul ay ku eedeyso Islamabad duqeymo iyo faragelin milatari.
Iska horimaadkan ayaa markale muujinaya sida ay xiisadaha amni ee gobolka Koonfurta Aasiya u sii adkaanayaan, iyadoo labada dal oo leh xuduud dheer iyo xiriir taariikhi ah ay markasta isku eedeeyaan ka soo gudbidda xadka iyo taageeridda kooxaha hubeysan.