U bood dhigaalka

Dibedbaxyo xooggan oo ka socda jasiiradda Madagascar iyo ciidamada oo ku biiray

Magaalada caasimadda u ah dalka Madagascar ee Antananarivo ayaa maanta martigelisay mudaaharaadyo ballaaran oo looga soo horjeedo maamulka Madaxweyne Andry Rajoelina, waxaana dibedbaxyada qeyb ka ah cutubyo ka tirsan ciidamada qalabka sida ee dalkaas, ka dib markii ay diideen amarradii la siiyay.

Dibadbaxyadan, oo ay hoggaaminayaan dhalinyarada ku dhiirraday kacdoonnada “Jiilka Z” (Gen Z) ee ka curtay Kenya iyo Nepal, ayaa markii ugu horreysay maanta buuxiyey Fagaareha May 13 ee caasimadda Antananarivo, halkaas oo ay isugu yimaadeen kumannaan qof oo dalbanayay in Rajoelina xilka iska casilo.

Booliska ayaa isku dayay inay dadka kala eryaan, iyagoo adeegsaday bambooyin iyo sunta dadka ilmada ka keenta, balse durba waxaa goobta soo gaaray ciidamo ka tirsan guutada gaarka ah ee CAPSAT, oo hore kaalin weyn uga ciyaaray soo bixitaankii Rajoelina ee siyaasadda sanadkii 2009.

Ciidamadan oo muuqaal ay duubeen ku faafiyay ku faafiyay baraha bulshada ayaa ugu baaqay dhammaan milatariga, booliska iyo ciidamada daraawiishta inay is abaabulaan, ayna diidaan amarrada lagu farayo inay rasaas ku furaan shacabka.

“Aan mideyno awooddeena, hana u noqonina kuwo lacag lagu kireysto si ay u toogtaan walaalahooda,” ayay yiraahdeen ciidamadan oo ku sugan xerada Soanierana ee duleedka caasimadda.

Waxay kaloo ugu baaqeen ciidamada ku sugan garoonka diyaaradaha inay joojiyaan dhammaan duullimaadyada, halka kuwa kale ee ku sugan xeryaha gudaha dalka laga dalbaday inay diidaan amarrada saraakiishooda sare.”

Wararka qaar ayaa sheegaya in guutada CAPSAT ay ku dhawaaqday in ciidamada qalabka sida ee dalka hadda ay iyadu hoos tagaan, inkastoo aan weli la helin xaqiijin rasmi ah oo arrintaas ku saabsan.

Kacdoonka socda ayaa soo xoogaystay tan iyo 25-ka Sebteembar, waxaana uu daba socdaa caro ka dhalatay kororka sicirka nolosha, jarista biyaha iyo korontada, iyo eedeymo la xiriira musuqmaasuq iyo maamul xumo.

Madagascar, oo ah jasiirad ku taalla Badweynta Hindiya, ayaa mar kale wajahaysa xaalad siyaasadeed oo kacsan, iyadoo laga cabsi qabo in khilaafka u dhexeeya ciidamada iyo dowladda uu isu beddelo qalalaase milatari oo cusub.