U bood dhigaalka

Dowladda Federaalka Soomaaliya oo Waddooyin Ka Dhisaysa Somaliland

Sheeko:War

Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa shaacisay qorshe cusub oo lagu dhisayo waddooyin muhiim ah oo ku yaalla deegaanada Somaliland, taasoo qayb ka ah dadaallada lagu hormarinayo kaabeyaasha dhaqaalaha dalka.

Wasiirka Hawlaha Guud ee Dowladda Federaalka, Dr. Cilmi Maxamuud Nuur, ayaa sheegay in mashruuc cusub lagu dhisi doono waddo isku xirta magaalooyinka Saylac iyo Boorama ee gobolka Awdal.

Wasiirka ayaa tilmaamay in sahankii waddadan la soo gabagabeeyay, islamarkaana ay hadda diyaar u yihiin in la bilaabo dhismaha.

Dr. Cilmi ayaa intaa ku daray in sidoo kale ay socdaan qorshayaal lagu dhisayo waddooyin kale oo muhiim ah sida jidka Oodweyne iyo Hargeysa isku xira, kuwaas oo qeyb ka ah qorshaha guud ee horumarinta waddooyinka dalka.

Wasiirka oo la hadlay warbaahinta dowladda ayaa xusay in wasaaraddiisu ka shaqeyso dhammaan gobollada dalka iyada oo aan cidna laga reebin, isagoo yiri:

“Dowladdu waxay u adeegtaa shacabka Soomaaliyeed meel kasta oo ay joogaan, Somaliland-na waa qayb ka mid ah Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya.”

Si kastaba ha ahaatee, lama oga sida maamulka Somaliland, oo sheegta in uu yahay dal madax bannaan, uga falcelin doono qorshahan dowladda federaalka ah ee Muqdisho ay ku dhisayso waddooyin ku yaalla deegaanada ay iyagu maamulaan.