U bood dhigaalka

Maxaad ka yaqaannaa jabhadda ay Israa’iil taageerto ee Xamaas kula dagaalamaysa Gudaha Qasa ?

Marinka Qasa waxaa soo hagaagaysa nolosha dadka, waxaana soo gabagaboobay dagaal lagu hoobtay iyo gumaad muddo labo sano ah ka socday halkaas, ka dib markii ay dhowaan Xamaas iyo Israa’iil heshiis rasmi ah kala saxiixdeen.

Taasi waa warka ugu weyn ee dunidu hadal-hayso, waana waa cusub oo Qasa u beryay iyo wacaal farxad leh, balse gudaha Qasa weli xabad ayaa ka dhacaysa oo koox hubeysan oo Israa’iil taageerto, calanka iyo dhalashadana la wadaaga ayaa Xamaas dagaal toos ah kala horyimid.

Kooxdan oo uu hoggaamiyo nin lagu magacaabo Yasir Abu Shabab ayaa ka dagaalamaya magaalooyinka Khaan Yuunis, Jabaaliya iyo Rafax, halkaas oo xiisado hubeysan ay dib uga qarxeen kadib saxiixii heshiiska joojinta dagaalka ee u dhexeeyay Israa’iil iyo Xamaas.

Kooxdan uu hoggaamiyo Yasir Abu Shabaab ayaa lagu sheegay mid si toos ah ama si dadban u heshay taageero hub iyo agab ciidan ah oo ka timid Israa’iil, ayadoo ay xukuumadda Netanyahu horay ugu faantay inay saanad militari ku biri-taartay si ay Xamaas ula dagaallamaan.

Kooxdan ayaa ah jabhad hub casri ah haysata oo ay adagtahay in si fudud loo soo afjaro, balse taageertada shacabka ayaa Xamaas u fududayn karta inay kooxdaas gacan bir ah ku qabato.

Dhanka kale, qoyska hoggaamiyaha kooxdan Yasir Abu Shabaab ayaa hore u sheegay in “dhiiggiisu uu bilaash yahay”, isla markaana lagu dili karo meeshii lagu arko, taasoo muujinaysa heerka nacaybka ee asaga iyo kooxdiisa loo qabo.

Si kastaba, Abu Shabaab ayaa isagu ku dooday in ujeeddadiisu ay tahay in Qasa laga badbaadiyo xukunka kali-taliska ah ee Xamaas, isagoo ku andacoonaya in asagoo calanka Falastiin wata uu doonayo isbedel siyaasadeed oo Xamaas meesha looga saaro.

Dagaalkan cusub ayaa durba saameyn ku yeeshay xaaladda amni ee xaafadaha Qaar , gaar ahaan  Jabaaliya, iyo Khaan Yuunis, balse Xamaas ayaa wacad ku martay inay kooxdaas degdeg u soo afjari doonto.

Si kastaba ha ahaatee Israa’iil ayaa u muuqatay in duqeymaha Qasa ay mudadii labada sano ahayd ee la soo dhaafay ku barbar waday abuurista kooxo fakir ahaan u taageersan oo u fududeeya ka takhalusidda Xamaas, oo noqday yool aan lagu guulaysan.