Goobjoog

Israa’iil oo sii deysay ku dhowaad 2,000 oo maxbuus Falastiiniyiin ah

Maamulka Israa’iil ayaa maanta fasaxday 1,966 maxbuus oo Falastiiniyiin ah, kuwaas oo ay ku jiraan ilaa 250 ruux oo hore loogu xukumay xabsi daa’in.

Israa’iil oo sii deysay ku dhowaad 2,000 oo maxbuus Falastiiniyiin ah
GAZA CITY, GAZA – FEBRUARY 01: Hours after the Israeli army withdrew from the region, residents are seen arriving amid destruction to check their homes and properties that they had to abandon in the northwest of Gaza City, Gaza on February 01, 2024. Israeli army has withdrawn from some regions in the north of the Gaza Strip and the northwest of Gaza City. (Photo by Mahmoud Shalha/Anadolu via Getty Images)

Maamulka Israa’iil ayaa maanta fasaxday 1,966 maxbuus oo Falastiiniyiin ah, kuwaas oo ay ku jiraan ilaa 250 ruux oo hore loogu xukumay xabsi daa’in.

Tallaabadan ayaa timid kadib wada xaajood dheer oo ay qayb ka ahaayeen hay’adaha dhexdhexaadiya ee caalamiga ah, waxaana Israa’iil ku wareejisay maxaabiista hay’adda Laanqayrta Cas si loo hubiyo in la gaarsiiyo Falastiiniyiinta dhinacooda si nabad ah oo sharci ah.

Isla waqtigaas, ururka Xamaas ayaa sii daayay 7 maxbuus oo Yuhuud ah, taas oo qeyb ka ah heshiiska is-weydaarsiga maxaabiista ee lagu tilmaamay mid lagu doonayo in lagu yareeyo xiisadda sii kordheysay ee u dhaxaysa labada dhinac.

Saraakiil reer Galbeed ah ayaa sheegaya in heshiiskan uu qeyb ka yahay dadaallada lagu doonayo in dib loogu bilaabo wadahadallada nabadda ee hakadka ku jiray muddo bilo ah, iyadoo weli la sugayo tallaabooyin kale oo la xiriira sii deynta maxaabiista kale ee harsan.

Waxaa la filayaa in dhinacyadu ay mar kale kulmaan toddobaadka soo socda si ay uga wada hadlaan wajiga labaad ee heshiiska, kaas oo diiradda lagu saarayo arrimaha bani’aadannimada iyo furitaanka marinada gargaar ee Qaza.

Goobjoog Newsletter

Ka hel Goobjoog wixii cusub.

Warar iyo falanqayn, iimaylkaaga.

From the comments