Madaxweyne Trump iyo Hoggaamiyeyaasha Caalamka oo Saxiixay Heshiiska Joojinta Dagaalka Gaza

Madaxweynaha Mareykanka Donald Trump ayaa maanta gaaray magaalada Sharm el-Sheikh ee dalka Masar, halkaas oo uu ka dhacay shir caalami ah oo lagu saxiixay heshiiska joojinta dagaalka ee Gaza.
Shirkan ayaa waxaa ka qeyb galay madaxda dalalka Masar, Turkiga, Qadar iyo Mareykanka, waxaana lagu tilmaamay tallaabo taariikhi ah oo lagu soo afjarayo colaaddii laba sano ka socotay marinka Gaza.
Qodobada Heshiiska Gaza
Warbixinta ay baahisay Al Jazeera ayaa sheegtay in heshiiska Gaza uu horseeday:
Sii deynta ku dhowaad 2,000 maxbuus Falastiini ah oo ku xirnaa xabsiyada Israa’iil;
Sii deynta 20 maxbuus Israa’iili ah oo ay Xamaas ku haysay gudaha Gaza;
Joojinta dagaalka oo si rasmi ah u dhaqan gashay 10-kii Oktoobar 2025;
Gargaar bani’aadaminimo oo loo oggolaaday in si buuxda loo gaarsiiyo dadka Gaza.
Madaxda Saxiixday.
Dukumentiga heshiiska ayaa waxaa saxiixay:
Donald Trump, Madaxweynaha Mareykanka,
Abdel Fattah el-Sisi, Madaxweynaha Masar,
Recep Tayyip Erdogan, Madaxweynaha Turkiga,
Sheikh Tamim bin Hamad Al Thani, Amiirka Qadar.
Trump ayaa sheegay in heshiisku “si fiican u shaqeynayo”, isagoo ku daray: “Dunida oo dhan way aragtaa wixii aan la rumeysaneyn in uu suurtagal yahay.”
Hadalladii iyo Aragtiyihii Kale
Wasiirka Arrimaha Dibadda ee Masar Badr Abdelatty ayaa ku baaqay in la sameeyo ciidamo caalami ah oo nabad ilaalin ah, isagoo sheegay in “guusha heshiiskan ay ku xirnaan doonto taageerada Mareykanka iyo dunida kale.”
Dhankiisa, Madaxweynaha Lubnaan Joseph Aoun ayaa sheegay in dalkiisu diyaar u yahay wada-hadallo cusub oo Israa’iil lala yeesho si loo dhammeeyo khilaafaadkii xuduudaha.
Falanqeeye siyaasadeed Zeidon Alkinani oo ka tirsan Jaamacadda Georgetown (Qadar) ayaa sheegay in “hal shir ama hal heshiis uusan dammaanad qaadi karin nabadda gobolka,” isagoo xusay in Israa’iil hore u jebisay heshiisyo caalami ah oo la mid ah.
Shirka Sharm el-Sheikh ayaa lagu soo afjaray jawiga rajo iyo isfahan, iyadoo madaxdu ay ballan qaadeen in la dardar-geliyo hirgelinta heshiiska iyo dib-u-dhiska Gaza.
Madaxweyne Donald Trump ayaa sheegay inuu sii joogi doono Masar “si uu uga wadahadlo madaxda gobolka marxaladaha xiga ee nabadda,” isagoo tilmaamay in “ceasefire-ka Gaza uu noqday bilow cusub oo rajada Bariga Dhexe.”