Shan qof oo rayid ah ayaa lagu dilay weerar ay Israa’iil ka fulisay xaafadda Shujaaciyah ee Marinka Qasa, sida ay shaacisay warbaahinta Al Jazeera.
Weerarka ayaa dhacay xilli shalay la dhammeystiray heshiiska xabbad-joojinta Qasa, kaas oo Israa’iil ay sheegtay inay la wareegtay dhammaan maxaabiistii ay gacanta ku hayeen iska caabinta Falastiiniyiinta.
Sida lagu sheegay warbixinta, ciidamada Israa’iil ayaa ku andacooday in dadka la dilay ay ku soo dhawaadeen meel ay ku sugnaayeen askarta, balse ilo madax-bannaan oo deegaanka ah ayaa sheegay in dadkaasi ahaayeen rayid aan wax xiriir ah la lahayn kooxaha iska caabinta.




From the comments