U bood dhigaalka

Madaxweynaha Soomaaliya oo ka hadlay Geerida Raiisul Wasaarihii hore ee Kenya

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Hassan Sheekh Maxamuud, ayaa tacsi u diray Madaxweynaha Kenya William Ruto iyo shacabka reer Kenya, kadib geerida Raiisul Wasaarihii hore Raila Odinga.

Madaxweyne Xasan Sheekh ayaa qoraal uu soo saaray ku sheegay in Raila Odinga uu ahaa siyaasi sare oo taariikhi ah, kaas oo dhaxal adag ka tagay dhanka dimuqraadiyadda, caddaaladda iyo adeegga dadweynaha.

“Waxaan tacsi tiiraanyo leh u dirayaa Madaxweynaha Kenya William Ruto iyo shacabka Kenya geerida ku timid Raiisul Wasaarihii hore Raila Odinga — hoggaamiye weyn oo dhaxal adag ka tagay dhanka dimuqraadiyadda, cadaaladda iyo adeegga bulshada. Soomaaliya waxay garab taagan tahay Kenya xilligan murugada ah,” ayuu yiri Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud.

Madaxweynaha ayaa ugu dambeyn xusay in shacabka Soomaaliyeed ay la qaybsanayaan shacabka Kenya murugada iyo tiiraanyada geerida hoggaamiyahan caanka ah ee geeriyooday.