Pakistan iyo Afghanistan oo ku heshiiyay xabbad-joojin ku meelgaarka ah

Dowladda Pakistan iyo maamulka Taliban ee Afghanistan ayaa ku dhawaaqay xabbad-joojin ku meel gaar ah oo socon doonta 48 saacadood, kaddib markii dagaallo culus oo uu maalmihii ku dhex maray xadka labada dal, kaas oo sababay dhimasho iyo dhaawacyo badan, sida ay xaqiijiyeen saraakiil ka tirsan Pakistan.
Wasaaradda Arrimaha Dibadda ee Pakistan ayaa sheegtay in xabbad-joojintu dhaqan galeyso Arbacadan 6:00 galabnimo xilliga maxalliga ah (13:00 GMT), iyadoo labada dal ay isku afgarteen in ay wadahadal iyo isu-faham ku xalliyaan xiisadda sii daba dheeraatay ee ka taagan xuduudda.
Dagaallada ayaa ka qarxay degaanka Spin Boldak ee Koonfur-bari Afghanistan iyo magaalada Chaman ee dhanka Pakistan, halkaas oo la soo sheegay in tobannaan qof ay ku dhinteen ama ku dhaawacmeen.
Afhayeenka Taliban, Zabihullah Mujahid, ayaa ku eedeeyay ciidamada Pakistan in ay iyagu fureen dagaalka iyagoo adeegsanaya “hub fudud iyo mid culus,” taasoo uu sheegay in ay ku dhinteen 12 qof rayid ah, halka in ka badan 100 kalena ay ku dhaawacmeen — oo ay ku jiraan haween iyo carruur.
Dhankiisa, sarkaal caafimaad oo ka tirsan isbitaalka Spin Boldak ayaa sheegay in tirada dhaawacyadu ay gaarayaan 80 qof, halka masuul kale uu sheegay in dhimashadu ay kor u dhaaftay 15 qof. Mujahid wuxuu sheegay in ciidamada Afghanistan ay jawaab ciidan bixiyeen, isla markaana ay dileen tiro badan oo askar Pakistani ah, isla markaana ay qabsadeen hub iyo gaadiid dagaal.
Si kastaba ha ahaatee, Pakistan ayaa beenisay eedeymahaas, iyadoo sheegtay in Taliban ay iyadu bilowday weerarka, kaasoo sabab u noqday geerida lix askari iyo dhaawaca afar rayid ah.
Qoraal ka soo baxay ciidamada Pakistan ayaa lagu sheegay in ay “si hufan u difaaceen weerarka” isla markaana ay dileen inta u dhaxaysa 15 ilaa 20 dagaalyahan oo Taliban ah. Ciidamada ayaa intaa ku daray in weerarro kale oo ka dhacay degmada Kurram ay sidoo kale ka hortageen.
Ciidamada Pakistan waxay ku tilmaameen sheegashada Taliban ee ah in ay qabsadeen saldhigyo Pakistani ah “been cad iyo dacaayad.”
Dagaalladan ayaa ah kuwii ugu halista badnaa ee dhex mara labada dal tan iyo markii Taliban ay mar kale la wareegtay awoodda Afghanistan 2021-kii, Wariyaal aagga dagaalka booqday ayaa tilmaamay in xaaladdu tahay mid khatar weyn ku ah ammaanka gobolka, isla markaana laga cabsi qabo in ay isu beddesho dagaal baahsan.”
Xiisaddan ayaa timid xilli xiriirka labada dal uu muddooyinkan sii xumaaday, iyadoo Pakistan ay ku eedeysay Taliban in ay hoy u noqdeen dagaalyahannada Tehrik-e-Taliban Pakistan (TTP), halka Kabul ay beenisay eedeyntaasi.
Dhinaca kale, xilli ay colaadda xadka taagan tahay, ayaa laba qarax laga maqlay caasimadda Kabul fiidnimadii Arbacada, kuwaas oo ay Taliban sheegtay in ay sabab u ahaayeen qaraxyo ka dhashay haanta shidaal iyo koronto-dhaliye.
Xiisadaha u dhexeeya labada dal ayaa sii xoogeysay tan iyo Sabtidii, markii labada dhinac ay is weydaarsadeen madaafiic, taas oo sababtay dhimasho iyo dhaawacyo badan, inkasta oo uu jiray faragelin diblomaasiyadeed oo ay sameeyeen Sacuudiga iyo Qatar, haddana badankood xuduudaha labada dal ayaa weli xirnaanaya.
Afghanistan ayaa sheegtay in ay dishay 58 askari oo Pakistani ah, halka Pakistan ay dhankeeda sheegtay in ay dishay in ka badan 200 dagaalyahan oo Taliban iyo TTP ah, iyadoo 23 askari oo Pakistani ah ay ku dhinteen dagaalka.
Xiisaddan ayaa sii xoogaysatay kadib markii wasiirka arrimaha dibadda Afghanistan , Amir Khan Muttaqi, uu dhawaan safar ku tegay dalka Hindiya, tallaabadaas oo ay Pakistan si adag uga falcelisay.