War ay daabacday wakaaladda caalamiga ah ee Reuters ayaa maanta xaqiijisay in Raisul Wasaarihii hore ee Kenya iyo Hoggaamiyihii Mucaaradka, Raila Amolo Odinga, uu geeriyooday isagoo ku sugan magaalada Kochi ee gobolka Kerala ee dalka India.
Sida lagu sheegay warbixinta, Raila Odinga ayaa u geeriyooday wadno xanuun (cardiac arrest) wuxuu jiray 80 sano jir.
Raila Amolo Odinga wuxuu dhashay 7 Janaayo 1945, wuxuuna ka mid ahaa siyaasiyiinta ugu miisaanka culus Kenya.




From the comments