U bood dhigaalka

Madagascar oo xukun militari gacanta u gashay iyo Midowga Afrika oo war ka soo saaray

Dalka Madagascar ayaa wajahaya isbeddel siyaasadeed oo weyn kadib markii Colonel Michael Randrianirina, taliyaha cutubka milatari ee CAPSAT, uu si rasmi ah ula wareegay talada dalka, kadib kacdoon lagu riday madaxweynihii hore Andry Rajoelina.

War qoraal ah oo lagu baahiyay baraha bulshada iyo telefishinka qaranka ayaa lagu sheegay in Colonel Randrianirina lagu wado in Jimcaha, 17-ka Oktoobar, loo dhaariyo xilka Madaxweynaha KMG ah ee Diblomaasiyadda Qaranka Madagascar, ka dib xaflad lagu qaban doono maxkamadda dastuuriga ah ee dalka.

Go’aankan ayaa yimid kaddib toddobaadyo bannaanbaxyo ah oo ay hoggaaminayeen dhalinyarada, ururrada shaqaalaha, iyo bulshada rayidka ah, kuwaas oo ku baaqayay in Madaxweyne Rajoelina uu is casilo, iyagoo ku eedeeyay xukuumaddiisa musuqmaasuq, shaqo la’aan iyo adeegyo daciif ah sida biyo iyo koronto la’aan joogto ah.

Rajoelina, oo si degdeg ah dibadda ugu baxay isbuucii hore, ayaa cambaareeyay waxa uu ku tilmaamay afgembiga, isagoo sheegay inuusan si sharci ah xilka uga degin, inkastoo baarlamaanka uu hore u meel mariyay mooshin xilka looga qaaday.

Colonel Randrianirina iyo ciidankiisa gaarka ah ee CAPSAT ayaa Talaadadii hore ku biiray shacabka mudaaharaadayay, waxayna si rasmi ah ugu dhawaaqeen inay dalka la wareegeen.

Taageerayaal badan oo ka mid ah dhalinyarada mudaharaadayaasha ayaa u sacbiyay ciidamada markii ay si guul ah ugu soo mareen waddooyinka caasimadda Antananarivo.

Taliyaha cusub ee militariga ayaa ballanqaaday in doorashooyin xor ah iyo caddaalad ah lagu qaban doono muddo laba sano gudahood ah, isagoo sheegay in afgembiga uu yahay dareen qaranka oo soo toosay oo ay horseedeen dhalinyarada.

Dhinaca kale, Midowga Afrika (AU) ayaa ku dhawaaqay in uu hakiyay xubinnimada Madagascar, isagoo ku tilmaamay dhacdada afgembi ka dhan ah nidaamka dimoqraadiyadda.

Tan iyo markii ay ka madax-bannaaneyd Faransiiska sannadkii 1960-kii, Madagascar waxay la kulantay afgembiyo iyo qalalaase siyaasadeed oo soo noqnoqday, waxaana weli sii taagan caqabado dhaqaale iyo nolol adag oo saameeya in ka badan 70% shacabka, sida uu sheegay Bangiga Adduunka.