Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa maanta guddoomiyay kulanka toddobaadlaha ah ee Golaha Wasiirrada, kaas oo diiradda lagu saaray dardargelinta qorshayaasha dowlad-dhiska iyo horumarinta adeegyada dadweynaha.
Madaxweynaha ayaa ku boorriyay Wasiirrada in ay xoojiyaan wada-shaqeynta, isla xisaabtanka, iyo hufnaanta howlaha dowladda.
Kulanka ayaa sidoo kale waxaa lagu soo bandhigay guulo muhiim ah oo laga gaaray dhinacyada amniga, dhaqaalaha, iyo dowlad-dhiska, iyadoo la xusay in lixdii bilood ee la soo dhaafay lagu dilay tiradii ugu badnayd ee Shabaan argagixisada, lana xoojiyay qalabeynta iyo tababarka ciidamada Qaranka.




From the comments