Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Xasan Sheekh Maxamuud, ayaa maanta ka qeyb galay munaasabadda tacsida qaranka ee loo sameeyay Hoggaamiyihii mucaaradka Kenya, Raila Amolo Odinga, taas oo lagu qabtay Garoonka Nyayo Stadium ee magaalada Nairobi.
Munaasabaddan tacsida ayaa ahayd mid si weyn loo soo agaasimay, iyadoo ay goob joog ka ahaayeen madaxda ugu sarreysa dalal dhowr ah oo Afrikaan ah, siyaasiyiin, diblomaasiyiin iyo boqolaal kun oo ka mid ah shacabka Kenya oo u yimid inay siiyeen tacsida iyo ixtiraamka ugu dambeeya hoggaamiyahoodii taariikhiga ahaa.
Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud ayaa lagu arkayay isagoo safka hore kaga jira madaxda sharafta leh ee martida lagu casuumay, wuxuuna la wadaagay shacabka Kenya iyo qoyska Odinga tacsida iyo dareenka murugada ee shacabka Soomaaliyeed.




From the comments