U bood dhigaalka

Eedeysane Jaamac Cabdi Maxamuud oo laga soo qabtay dalka Rwanda

Sheeko:War

Xafiiska Xeer Ilaaliyaha Guud ee Qaranka ayaa maanta shaaciyay in, isagoo kaashanaya Booliska Soomaaliyeed iyo qeybta Booliska Caalamiga ah (Interpol), uu dalka Rwanda kasoo qabtay Jaamac Cabdi Maxamuud Ina Maryan Maxamed Cismaan, oo muddo baxsad ahaa kadib markii lagu eedeeyay falal kufsi, duubis iyo faafinta muuqaallo anshax-xumo ah, iyo tacaddi loo geystay gabdho Soomaaliyeed.

War-saxaafadeed uu soo saaray Xeer Ilaaliyaha Guud ee Qaranka ayaa lagu sheegay in baaritaan dheer kadib la ogaaday in eedeysanuhu uu ku dhuumaaleysanayay dalka Rwanda, halkaas oo lagu qabtay kadib howlgal ay iska kaashadeen hay’adaha Booliska Soomaaliya iyo Interpol.

Eedeysanaha ayaa shalay lagu soo celiyay magaalada Muqdisho, waxaana lagu wareejiyay xabsiga Qeybta Baarista Dambiyada Booliiska (CID), halkaas oo baaritaanno dheeraad ah lagu wado, iyadoo lagu wado in si degdeg ah loo horkeeno Maxkamadda awoodda u leh si uu u wajaho cadaaladda.

Xafiiska Xeer Ilaaliyaha Guud ee Qaranka ayaa uga mahadceliyay hay’adaha Booliska Soomaaliya iyo kuwa Rwanda kaalintii ay ka qaateen soo qabashada eedeysanaha, isagoo carrabka ku adkeeyay in dowladda Soomaaliya ay ka go’an tahay la-dagaallanka dambiyada tacaddiyada jinsiga iyo ilaalinta sharafta haweenka Soomaaliyeed.