Haweeney Ingiriis ah oo uu Khiyaamay Nin Sheegtay Inuu Dhakhtar Ka Yahay Soomaaliya

Majaladda Mirror ee dalka UK ayaa daabacday sheeko xanuun badan oo ku saabsan haweeney Ingiriis ah oo lagu magacaabo Mary Chater, 67 jir, taasoo sheegtay in nin isku sheegay inuu “Dani” yahay uu ku khiyaamay magac Soomaaliya, si uu lacag badan uga helo.
Mary, oo ku nool magaalada Brighton, ayaa sheegtay in bishii December 2022 uu nin ka soo raacay sawir cunto karin oo ay Facebook ku baahisay, kaasi oo isku sheegay inuu yahay dhakhtar qalliinka dhaawacyada u shaqeeya Qaramada Midoobay, isla markaana ka howl-gala Soomaaliya.
Mary waxay tiri: “Wuxuu iga dhigay qof rumaysta in uu yahay nin geesi ah oo caawinaya dadka dhibaateysan ee Soomaalida.”
Waxay intaas ku dartay in “Dani” uu u sheegay inuu mashquul ku yahay daaweynta dhaawacyada dagaalka, taas oo ku kalliftay inay aaminto inuu dhab ahaan joogo Soomaaliya.
Si tartiib ah ayaa xiriirka jacayl u beddelay khiyaano ninka ayaa bilaabay inuu codsado lacago uu sheegay in uu ku horumarinayo shaqadiisa caafimaad, iyo kuwo kale oo uu ku sheegay “diyaarinta hoy” ay Mary ugu imanayso Muqdisho.
Laakiin Mary ayaa ugu dambeyn ku baraarugtay in ay la kulantay khiyaano, kadib markii ay samaysay baadhitaan u gaar ah, taas oo ay ku ogaatay in sawirradii uu isticmaalayay Dani ay ahaayeen kuwa laga xaday nin dhakhtar ah oo run ahaantii ka shaqeeya gudaha Muqdisho.
Sheekada Mary waxay iftiimisay halis weyn oo ku fiday internet-ka, halkaas oo magacyada iyo sawirrada hay’adaha samafalka marar badan loo adeegsado khiyaanooyin lagu kasbado kalsoonida dadka reer Galbeedka.
Soomaaliya ayaa xaaladdeeda bini’aadanimo marar badan loo adeegsadaa marmarsiinyo lagu khiyaaneeyo dadka doonaya inay caawiyaan dadka nugul.
Dhacdadan ayaa mar kale muujisay sida ay muhiim u tahay in dadka isticmaala baraha bulshada ay feejignaan muujiyaan, gaar ahaan marka la soo jeediyo sheekooyin shucuur ku dhisan oo lagu xirayo magacyo hay’adeed ama dalal xaalad adag ku jira.