U bood dhigaalka

Iiraan oo ku Dhawaaqday Dhammaanshaha Heshiiskii Niyukleerka 2015 & fariin culus oo ay u dirtay QM

Tehraan – Dowladda Iiraan ayaa si rasmi ah ugu dhawaaqday inay ka “xorowday” xayiraadyihii saarnaa barnaamijkeeda Niyukleerka, kaddib markii uu dhammaaday muddadii uu ku eg-yahay heshiiskii caalamiga ahaa ee 2015, ee loo yaqaanay (JCPOA). Tallaabadan ayaa albaabka u fureysa waji cusub oo diblomaasiyadeed iyo dood sharciyeed oo ka dhex aloosantay Iiraan iyo quwadaha reer Galbeedka.

Heshiiskii la saxiixay 2015-kii, oo ay Iiraan la galeen lixda quwadood ee adduunka (Mareykanka, Ruushka, Shiinaha, UK, Faransiiska, iyo Jarmalka), ayaa dhigayay in Tehraan ay si weyn u xaddido howlaha barnaamijkeeda Niyukleerka ee xasaasiga ah, ayna ogolaato kormeerayaal caalami ah. Taa beddelkeeda, waxaa si tartiib tartiib ah looga qaaday cunaqabatayno dhaqaale oo caalami ah oo saarnaa.

Hadda oo heshiiskaas uu gabagabo noqday, Iiraan waxay qaadday tallaabo diblomaasiyadeed oo muuqata. Wasaaradda Arrimaha Dibedda Iiraan waxay si rasmi ah uga dalbatay Qaramada Midoobay inay “saxdo macluomaad qaldan” oo ay sheegtay in lagu daabacay bogga internet-ka ee hay’adda.

Macluumaadka ay Tehraan ka cabanayso ayaa la xiriira isku dayo lagu doonayo in “dib loogu soo celiyo go’aanno dhacay oo ka dhan ah Iiraan,” taasoo loola jeedo habraaca loo yaqaan “snapback” ee cunaqabataynta. Iiraan waxay ku doodaysaa in tallaabooyinka noocaas ah ay yihiin kuwo sharci-darro ah oo ay tahay in Golaha Ammaanka ee Qaramada Midoobay uu ka hortago “jahawareer dheeri ah” oo ku yimaada habraacyadiisa sharciga ah.

Bayaan ka soo baxay dowladda Iiraan, waxay ku adkaysatay in hadda wixii ka dambeeya loola macaamilo barnaamijkeeda Niyukleerka “sida barnaamijka dal kasta oo aan lahayn hub Niyukleer ah” oo xubin ka ah Heshiiska Xakameynta Faafidda Hubka Niyukleerka (NPT).

Waxay intaas ku dartay in hadafkii asalka ahaa ee arrinta Iiraan loo geliyay ajandaha Golaha Ammaanka—oo ahaa “in la dammaanad qaado nabadda barnaamijka Niyukleerka Iiraan” iyo in laga hortago in loo weeciyo “dhanka samaynta hubka Niyukleerka”—uu hadda “si buuxda u hirgalay.”

Mustaqbalka marka la eego, Iiraan waxay carabka ku adkeysay “sida ay uga go’an tahay diblimaasiyadda” iyo inay difaacan doonto “xuquuqdeeda sharciga ah ee isticmaalka nabadeed ee tamarta Niyukleerka.”

Dhinaca kale, falanqeeyayaasha siyaasadda caalamiga ah ayaa si dhow ula socda xaaladdan. Cali Faa’is (Ali Vaez), oo ah Agaasimaha Mashruuca Iiraan ee Kooxda Caalamiga ah ee Xasaradaha (International Crisis Group), ayaa sheegay in dhammaanshaha heshiisku uu yahay “wax wanaagsan.”

Mr. Vaez wuxuu ku sababeeyay aragtidiisa in xaaladdan cusub ay “labada dhinacba u oggolaanayso inay u gudbaan soo jeedinta fikrado cusub” si loo helo waddo kale oo lagu maareeyo arrinta Niyukleerka Iiraan, maaddaama heshiiskii hore uu muddo dheer ahaa mid aan si buuxda u shaqaynayn.