U bood dhigaalka

Cilado Tiknoolajiyeed oo Saameeyay Barnaamijyo Caalami ah Maanta

Sheeko:War

Qaar ka mid ah barnaamijyada iyo adeegyada caanka ah ee dunida ayaa maanta la kulmay cilad ballaaran oo sababay in dad badan ay awoodin inay si caadi ah u isticmaalaan. Barnaamijyada ay saameeyeen waxaa ka mid ah Snapchat, Signal, Perplexity AI, iyo adeegga caanka ah ee Amazon Web Services (AWS).

Ciladdan ayaa bilaabatay aroortii Isniinta, iyadoo adeegsadayaal badan ay ka cabanayeen baraha bulshada in ay waayeen awooddii ay ugu gali lahaayeen akoonnadooda ama u diri lahaayeen fariimaha iyo sawirrada.

Warbixinno laga helay The Verge iyo Business Insider ayaa muujinaya in ciladda ugu weyn ay ku timid AWS, oo ah adeeg daruuri ah oo ay ku tiirsan yihiin shirkado badan oo caalami ah, kuwaas oo ay ku jiraan Snapchat iyo adeegyo kale oo internetka lagu isticmaalo.

Kooxda farsamada ee Amazon ayaa xaqiijisay in ay socoto shaqo lagu hagaajinayo adeegyada, isla markaana qaar badan oo ka mid ah barnaamijyada la saameeyay ay dib ugu soo laabanayaan si tartiib ah.

Qaar ka mid ah dadka Soomaaliyeed ee ku sugan magaalooyinka Muqdisho, Hargeysa iyo Garowe ayaa sidoo kale sheegay in barnaamijyo ay si joogto ah u isticmaalaan ay maanta ku jireen cilad.

Dhalinyaro u isticmaasha baraha bulshada shaqo iyo isgaarsiin ayaa sheegay in ciladdan ay si weyn u saameysay hawlahooda maalinlaha ah.

Shirkadaha tiknoolajiyadda ayaa inta badan isticmaala adeegyada AWS, waxaana marka cilad ku timaaddo ay saamaysaa barnaamijyo badan oo isku mar ah.

Warbixin ay soo saartay Amazon Web Services ayaa sheegtay in ay dadaal ugu jiraan sidii si buuxda dib loogu soo celin lahaa adeegyada saameeyay.