Khilaaf siyaasadeed oo soo ifbaxay ayaa sababay in maanta la hor istaago wafdi uu hoggaaminayo Guddoomiyihii hore ee Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya, Maxamed Mursal Sheekh Cabdiraxmaan, kuwaas oo ku sii jeeday magaalada Baydhabo ee xarunta KMG ah ee Koonfur Galbeed.
Xildhibaan Maxamed Cabdi Frank, oo kamid ahaa wafdigaas, ayaa sheegay in Madaxweynaha Koonfur Galbeed, Cabdicasiis Xasan Maxamed (Laftagareen) uu amar ku bixiyey in diyaaraddii ay saarnaayeen aanay qaadin xubnaha wafdigaas.
“Laftagareen ayaa diyaaradii aan raaci lahayn ku yiri dadkaas ma soo qaadi kartaan,” ayuu yiri Xildhibaan Frank.




From the comments