U bood dhigaalka

Waqooyiga Kuuriya oo Tijaabisay gantaal cusub oo Hypersonic ah

Waqooyiga Kuuriya ayaa Khamiista maanta ah xaqiijisay inay tijaabisay gantaal cusub oo  nooca codkooda shan laabka ka dheereeya ee loo yaqaanno “hypersonic” ah, ayadoo sheegtay inuu caddeyn u yahay horumar joogto ah oo ay ku sameyneyso awooddaheeda difaaca.

Tijaabadan, oo Arbacadii la fuliyay, waxaa hagayay Maamulka Gantaallada ee Jamhuuriyadda Kuuriyada Waqooyi ee (DPRK), waxaana goob joog ka ahaa saraakiil sar sare oo ka tirsan Xisbiga Shaqaalaha oo ay ku jiraan Pak Jong Chon Xoghayaha Guddiga Dhexe ee Xisbiga, Kim Jong Sik,Ku-xigeenka Agaasimaha Guddiga Dhexe, iyo Jang Chang Ha, Agaasimaha Guud ee Maamulka Gantaallada, sida ay baahisay Wakaaladda Wararka ee KCNA.

Ciidanka Militariga Koonfurta Kuuriya ayaa Arbacadii sheegay in Waqooyigu uu ku ganay dhowr gantaal oo ballistic ah dhanka Badda Bari (East Sea).

Sida laga soo xigtay KCNA, gantaallada hypersonic-ka ah ayaa laga riday degmada Ryokpho ee magaalada Pyongyang, waxaana ay u duuleen dhanka woqooyi-bari, iyagoo ku dhagay bartilmaameed ku yaalla buurta Qwesang Peak ee gobolka North Hamgyong.

Hubkan cusub waxa uu qayb ka yahay barnaamijka horumarinta awoodaha difaaca, gaar ahaan xoojinta awoodda ka hortagga cadawga mustaqbalka,” ayaa lagu yiri warbixinta KCNA.

Dhanka kale, Taliska Ciidanka Mareykanka ee Kuuriya (USFK) ayaa cambaareeyay tijaabooyinkaas, isagoo ku tilmaamay “daan-daansi aan kala go’ lahayn ee awoodaha gantaallada dheer ee halista ah”.

Mareykanka ayaa sidoo kale sheegay in mudnaantoodu tahay “
in lagu dadaalo diyaar-garow buuxa oo lagu difaaci karo dalalka labadaba, Mareykanka  iyo Kuuriyada  Koonfureed, waxaana uu mar kale xoojiyay sida uu ugu heellan yahay difaaca iyo iskaashiga amni ee uu la leeyahay Koonfur Kuuriya.