Maxkamadda Degmada Hargeysa ayaa maanta xukun laba (2) sano oo xabsi ah iyo ganaax lacageed oo dhan 800,000 Shilin Somaliland ah ku ridday eedeysane Cumar Maxamed, ka dib markii lagu helay dambiga faafinta muuqaallo lagu tilmaamay inay ka hor-imaanayaan diinta Islaamka.
Eedeysanaha ayaa la sheegay inuu baraha bulshada ku faafin jiray muuqaallo ay maxkamaddu ku tilmaantay kuwo dhaawacaya shucuubta Muslimiinta ah, isla markaana khatar ku ah akhlaaqda guud ee bulshada.
Hay’adaha amniga ayaa hore u xiray Cumar Maxamed, waxaana maanta maxkamaddu ku dhawaaqday go’aanka kiiska oo muddo soo taagnaa, iyadoo ay dhageysiga ka soo qayb galeen xubno ka tirsan qoyska eedaysanaha iyo dadweyne kale.




From the comments