U bood dhigaalka

Maraykanka iyo Shiinaha oo ku dhow inay gaaraan heshiis ganacsi oo cusub

Dowladaha Maraykanka iyo Shiinaha ayaa ku dhawaaqay natiijo wanaagsan oo kasoo baxday wada-hadallo ganacsi oo ay ku yeesheen Malaysia, taas oo sare u qaaday rajada ah in labada dal ay ku heshiiyaan joojinta colaadda ganacsi ee u dhaxeysa marka ay madaxweynayaashoodu ku kulmaan Koonfurta Kuuriya toddobaadkan.

Wakiillo  sar sare oo ka kala socday labada dhinac ayaa Axaddii sheegay in la gaaray horumar la taaban karo, kaddib wada-hadallo ay ku yeesheen kulan doceedyo garab socday shir-madaxeedka ASEAN ee magaalada Kuala Lumpur.

Madaxweynaha Maraykanka Donald Trump iyo hoggaamiyaha Shiinaha Xi Jinping ayaa lagu wadaa inay dalka Koonfurta Kuuriya ku kulmaan Khamiista soo socota, inta lagu guda jiro shir-madaxeedka APEC ee ka dhici doona magaalada Gyeongju ee dalkaas.

Kulankan ayaa noqon doona kii ugu horreeyay ee fool-ka-fool ah tan iyo markii Trump dib ugu laabtay Aqalka Cad, isagoo ku dhawaaqay dib-u-habayn ballaaran oo ku saabsan siyaasaddiisa ganacsi ee caalamiga ah.

Xoghayaha Maaliyadda ee Maraykanka, Scott Bessent, ayaa sheegay in labada dhinac ay diyaariyeen nidaam guud oo ay Trump iyo Xi kaga wada hadli doonaan Koonfurta Kuuriya,isagoo la hadlayay warbaahinta NBC News, Bessent wuxuu tilmaamay in heshiiska la rajeynayo uu ka hortagi doono canshuurta boqolkiiba 100 ee Trump ku hanjabay, iyo sidoo kale xannibaadaha dhoofinta ee Shiinuhu qorsheynayay inuu saaro macdanta rare earths.

Bessent ayaa intaas ku daray in Shiinaha uu oggolaaday inuu sameeyo iib ballaaran oo ah badeecooyinka beeraha ee Maraykanka, taas oo uu sheegay inay si weyn uga farxin doonto beeralayda Maraykanka, gaar ahaan kuwa soya-bean-ka.

Dhinaca kale, Ra’iisul Wasaare Ku-xigeenka Shiinaha He Lifeng, oo ah ergayga ugu sarreeya ee dhinaca ganacsiga, ayaa sheegay in labada dal ay gaareen “is-afgarad aasaasi ah” oo ku saabsan qaabka wax looga qabanayo cabashooyinka labada dhinac, wuxuuna xusay in la isla gartay in la dhameystiro faahfaahinta heshiiska iyo in la bilaabo habraacyada oggolaanshaha gudaha ee labada dowladood.

Wararka kasoo baxay wada-hadallada ayaa si degdeg ah u saameeyay suuqyada saamiyada Aasiya, iyadoo Isniinta maanta ah ay sare u kaceen dhammaan suuqyada waaweyn.

Suuqa saamiyada Japan ee Nikkei 225 iyo kan Koonfurta Kuuriya ee KOSPI ayaa labaduba gaaray heerar rikoor ah, iyagoo kor u kacay celcelis ahaan 2.1% iyo 2.3% duhurkii waqtiga maxalliga ah.

Warbixintani waxay muujineysaa in dadaallada diblomaasiyadeed ee labada awoodood ee dunida ugu waaweyn ay dib u soo nooleeyeen rajadii heshiis ganacsi oo xasiliya suuqyada caalamka, kaddib sanado badan oo colaad dhaqaale iyo cunaqabateyn ah.