Militariga Suudaan oo isaga baxay magaalada istiraatiijiga ah ee El-Fasher
Hoggaamiyaha Ciidanka Dalka Suudaan, Jeneraal Cabdel Fataax Al-Burhan, ayaa ku dhawaaqay in ciidamadiisu ay si buuxda uga baxeen fariisinkoodii ugu dambeeyay ee gobolka Darfur, kadib markii xoogagga
RSF ay si rasmi ah ula wareegeen magaalada El-Fasher.
Ku dhawaaqista Al-Burhan ayaa timid f
Isniintii, maalin kadib markii RSF ay sheegatay inay gacanta ku dhigtay saldhigga ugu weyn ee ciidamada dowladda ee ku yaalla El-Fasher, taas oo calaamad u ah guul militari oo weyn.
Bixitaanka ciidamada dowladda ee magaalada ayaa sababay in in ka badan 250,000 oo qof, kala barna ay yihiin carruur in ay hoos tagaan maamul iyo gacanta RSF.
Hay’adaha samafalka ayaa sheegay xaalad argagax iyo qalalaase ah oo ka taagan magaalada, iyadoo la sheegay in dagaallo ay dhexmareen RSF iyo ciidankii dowladda ee baxayay.
Jeneraal Al-Burhan ayaa sheegay in go’aanka lagu bixiyay magaalada uu salka ku hayo doonista lagu badbaadinayo dadka rayidka ah.,
“Ciidanku waxay ka soo baxeen magaalada sababo la xiriira burburka nidaamsan iyo dilalka qorsheysan ee ay RSF u geysaneyso shacabka,” ayuu yiri Al-Burhan.
Asagoo intaa ku daray in ay doonayaan in la ilaalino si aan dadka iyo magaalada burbur dheeraad ahi u gaarin, islamarkaana aysan ka tanaasulayn mas’uuliyadda dagaalka:
> “Waxaan ka aar-gudi doonnaa wixii lagula kacay shacabka El-Fasher. Dambiilayaasha waa in la horgeeyaa cadaaladda.”
Qaramada Midoobay ayaa dhankeeda soo saartay digniin adag oo ku saabsan wararka sheegaya xadgudubyo iyo dembiyo dagaal ay sameeyeen ciidamada RSF ee magaalada la wareegay.
Qabsashada El-Fasher ayaa loo arkaa inay ka dhigan tahay hoos u dhac weyn oo ku yimid awoodda ciidamada dowladda, taas oo dhalin karta kala-jab kale oo cusub oo dalka ka dhaca, iyadoo horey u kala go’day koonfurta Suudaan sannadkii 2011.
Dagaalka u dhexeeya ciidamada dowladda iyo RSF ayaa qarxay bishii Abriil 2023, kaddib markii khilaaf siyaasadeed iyo mid awood qeybsi ahi uu sababay dagaal baahsan oo ka billowday caasimadda Khartoum, kaas oo ku fiday gobollo badan oo dalka ah, islamarkaana sababay dhimashada tobanaan kun oo qof iyo barakicinta ku dhowaad 12 milyan oo Suudaani ah.