Muxuu yahay ninka ku faanay inuu diley kumannaan qof oo Sudaniyiin ah ?
Magaalada El-Fasher ee waqooyiga gobolka Darfur ee dalka Sudan ayaa mar kale noqotay goob uu ka dhacay xasuuq naxdin leh, ka dib markii la soo sheegay in maleeshiyaad ka tirsan ciidamada (RSF) ay dileen kumannaan qof oo rayid ah, sida ay sheegayaan ilo maxalli ah iyo warbaahin caalami ah oo ay ka mid yihiin The Guardian iyo France 24.
Warbixinnada hordhaca ah ayaa tilmaamaya in nin lagu magacaabo “Abu Lulu”, oo lagu sheegay inuu yahay sarkaal sare oo ka tirsan RSF, uu muuqaal uu isagu duubay ku faanay falal ka dhan ah shacabka El-Fasher, isagoo sheegay inuu cadowga casharro adag u dhigey, muuqaalladaas, oo lagu baahiyay baraha bulshada, ayaana si weyn u carro geliyay bulshada Sudan iyo hay’adaha xuquuqul insaanka ee caalamiga ah.
Magaaladan oo ahayd halkii ugu dambeysay ee ay gacanta ku haysay dawladda Sudan ee gobolka Waqooyiga Darfur, ayaa muddo bilo ah ku jirtay go’doon adag oo ay soo rogeen ciidamada RSF, dagaallo culus ayaana halkaas ka dhacay, kuwaas oo sababay dhimasho iyo barakac baahsan.
Hay’adaha samafalka ayaa sheegaya in adeegyada caafimaadka, biyaha iyo cuntada ay meesha ka baxeen, iyadoo dadka rayidka ah lagu hayo cabsi iyo go’doon.
Hay’adda Qaramada Midoobay ee xuquuqul insaanka (OHCHR) ayaa sheegtay in ay jiraan tuhunno xooggan oo muujinaya in El-Fasher ay ka socdaan dilal qorsheysan oo lagu bartilmaameedsanayo kooxo ama qowmiyado gaar ah, gaar ahaan beelaha Fur iyo Zaghawa.
Warbixin kale oo ay soo saartay African Centre for Justice and Peace Studies (ACJPS) ayaa sheegtay in ugu yaraan 2,000, oo qof lagu dilay dhowr maalmood gudahood, halka kumannaan kalena ay ku barakaceen meel aan cunto, biyo ama gargaar toona lahayn.
Muuqaallo la soo bandhigay ayaa muujinaya askar ka tirsan RSF oo socdaal ku ah xaafado rayid ah, halkaas oo ay toogasho iyo gubitaan guryaha ah ka wadaan, Qaar ka mid ah muuqaalladaas ayaa lagu arkay ninkan lagu magacaabo “Abu Lulu” oo ku labisan dhar ciidan, isla markaana ku hanjabay inuu sii wadi doono dagaalka ilaa uu nadiifiyo magaalada.
Inkasta oo RSF aysan si rasmi ah uga jawaabin eedeymaha, haddana warbixintaasi waxay sii kordhisay cadaadiska caalamiga ah ee lagu saarayo hoggaamiyahooda, General Mohamed Hamdan Dagalo (Hemedti), in uu joojiyo weerarada lagu hayo rayidka.
Dalalka Midowga Yurub, Maraykanka iyo Midowga Afrika ayaa si wadajir ah u cambaareeyay dilalka El-Fasher, iyagoo ku baaqay in la sameeyo baaritaan madax-bannaan oo caalami ah, lana soo taago maxkamad dadka masuulka ka ah dambiyada dagaalka.
Qaramada Midoobay ayaa ku sheegtay xaaladda El-Fasher mid u dhiganta halis bini’aadantinimo oo heer sare ah,isla markaana ku baaqday in la furo waddooyinka gargaarka.
Marka laga soo tago dhimashada, kumannaan haween iyo carruur ah ayaa ku sugan xeryaha barakacayaasha sida Abu Shouk iyo Zamzam, halkaas oo xaalado nololeed oo aad u liita laga soo sheegay, Shaqaalaha samafalka ayaana sheegay in ay adag tahay in la gaarsiiyo cunto iyo daawo, maadaama RSF ay xannibeen waddooyinka magaalada.
Xaaladda magaalada El-Fasher ayaa noqonaysa mid ka mid ah kuwa ugu xun ee ka jira gudaha Sudan tan iyo markii uu dagaalku bilowday bishii Abriil 2023, Inkasta oo wararka ku saabsan ninka lagu magacaabo “Abu Lulu” aan si madax-bannaan loo xaqiijin, haddana muuqaalada iyo warbixinnada laga helay goobta ayaa muujinaya xasuuq baahsan iyo falal la xiriira dambiyada dagaalka.