Xildhibaanad Ilhaan Cumar oo ka tirsan Aqalka Wakiillada Mareykanka ayaa ku biirtay codadka caalamiga ah ee ka dayrinaya xaaladda bani’aadantinimo ee ka taagan dalka Suudaan.
Ilhaan Cumar ayaa sheegtay in Suudaan ay wajahayo musiibo bani’aadantinimo oo aad u daran, taas oo noqotay tii ugu xumeyd adduunka, iyadoo tobannaan kun oo qof ay ku dhinteen dagaallada, halka in ka badan 12 milyan lagu khasbay inay guryahooda ka barakacaan.
“Suudaan waxay la daalaa-dhacaysaa musiibadii bani’aadantinimo ee ugu xumeyd adduunka iyo xasuuq sii fidaya. Tobannaan kun ayaa la dilay, halka 12 milyan oo qof la barakiciyey. Sawirrada muujinaya ciidammada RSF oo qabsaday magaalada El Fasher waa kuwo argagax leh oo naxdin badan,” ayay ku tiri qoraal ay ku baahisay barta X (hore Twitter).




From the comments