Maxaa laga filayaa kulanka isha lagu wada hayo ee maanta dhex mari doona Trump iyo Xi Jinping?
 
		Madaxweyneyaasha Mareykanka iyo Shiinaha ayaa la filayaa inay Khamiista maanta ah ku kulmaan magaalada dekedda ah ee Busan, ee Koonfurta Kuuriya, xilli labada dal ay isku hayaan dagaal ganacsi oo sii xoogeysanaya.
Labada quwadood ee dunida ugu awoodda badan ayaa sanadkan is dhaafsaday cunaqabateyn dhaqaale oo ka badan 100%, taas oo ka dhalatay muran la xiriira tignoolajiyada, sirdoonka macmalka ah (AI), dhoofinta qalabka semiconductor-ka ee muhiimka ah, iyo xakameynta Shiinaha ee macdanta dhifka ah ee muhiimka u ah warshadaha difaaca iyo AI-da.
Rajada Heshiis Cusub
Trump, oo la hadlay wariyeyaasha saaran diyaaradda Air Force One, ayaa sheegay in kulanka uu la leeyahay Xi uu noqon doono mid weyn oo rajo badan leh, wuxuuna tilmaamay in labada dal ay ka wada shaqeynayaan heshiis ganacsi oo ay ku jirto dejinta culeyska suuqyada caalamka.
Saraakiil ka tirsan labada dhinac ayaa tan iyo bisha Agoosto ku jiray wada-hadallo lagu doonayo in lagu dejiyo xiisadda, iyadoo toddobaadkan ay Malaysia ku soo saareen qaab-dhismeed heshiis hordhac ah.
Ajandaha Kulanka Busan
Kulanka Trump iyo Xi ee Busan, oo bilaabanaya 11:00 subaxnimo waqtiga maxalliga ah, ayaa noqonaya kii ugu horreeyay ee labada hoggaamiye yeeshaan tan iyo 2019, ayadoo ajandaha lagu sheegay inuu diiradda saarayo:
1) Canshuuraha ganacsiga ee labada dal isu saareen
2) Xakamaynta dhoofinta maandooriyaha fentanyl, oo sababay kumannaan dhimasho ah Maraykanka
3) Xaddidaadda Shiinaha ee macdanta dhifka ah
4) Xannibaadaha Maraykanka ee semiconductor-ka iyo AI-da
5) Arrimaha amniga iyo siyaasadda, oo ay ku jiraan dagaalka Ukraine iyo mawqifka Taiwan
6) iyo heshiiska iibka barnaamijka TikTok
Xiisadda ugu adag ayaa la filayaa inay tahay mid la xiriirta fentanyl-ka, oo ah maandooriye awood badan oo laga soo geliyo Maraykanka Shiinaha,warbixino ayaana sheegaya in Shiinuhu oggolaan doono xakameyn dheeraad ah oo ku saabsan dhoofinta kiimikooyinka loo adeegsado fentanyl, taas oo keeni karta in Trump hoos u dhigo 10% canshuuraha uu ku soo rogay Shiinaha.
Tan iyo bishii Febraayo, labada dal waxay is-weydaarsadeen canshuuro ka badan 100%, iyagoo mid walba u arka kan kale inuu dhibaato ku yahay danihiisa dhaqaale.
Macdanta Dhifka ah iyo TikTok
Shiinaha ayaa sanadkan mamnuucay dhoofinta 12 macdan oo muhiim ah, taas oo Maraykanku u arkay tallaabo siyaasadeed. Trump ayaa ku jawaabay hanjabaad 100% canshuur dheeraad ah. Si kastaba, xogaha ugu dambeeyay waxay muujinayaan in Washington iyo Beijing ay ka fiirsanayaan yareynta xayiraadahaas, halka heshiiskii lagu wareejin lahaa hantida TikTok ee Maraykanka lagu wada jiro gebogebadii.
Arrimaha Caalamiga ah: Ukraine iyo Taiwan
Trump ayaa sidoo kale doonaya inuu Xi kala hadlo dagaalka Ukraine, isagoo rajo ka qaba in Beijing cadaadis saarto Moscow si ay miiska wadahadalka u timaado. Shiinaha, oo xulufo la ah Ruushka, ayaa hore u sheegay in dagaal dheer “uusan cidna u fiicnayn.”
Dhanka kale, Xi Jinping ayaa la filayaa inuu Trump weydiiyo mowqifka Maraykanka ee ku aaddan Taiwan, kadib markii Beijing ku eedeeyay maamulka Taipei inuu wado siyaasad madax-bannaani.
In kasta oo Trump sheegay in uu filayo natiijooyin waaweyn, haddana falanqeeyayaashu waxay saadaalinayaan in kulanka Busan ay ka soo bixi doonaan keliya ballanqaadyo yaryar, sida dib-u-dhac ku yimaada canshuuraha ama abuurista guddi wadajir ah oo ka shaqeeya macdanta muhiimka ah.