U bood dhigaalka

Shiinaha oo soo saaray Sharci Cusub oo Lagu Xakameynayo Hal-abuurayaasha Baraha Bulshada

Sheeko:War

Dowladda Shiinaha ayaa toddobaadkan si rasmi ah u dhaqan galisay sharci cusub oo lagu nidaaminayo hal-abuurayaasha (influencers) iyo dadka ka hadla mowduucyada xirfadeed ee baraha bulshada.

Sharcigan oo ay soo saartay Cyberspace Administration of China (CAC) ayaa lagu sheegay in uu yahay mid lagu ilaalinayo xogta saxda ah iyo wacyigelinta bulshada, iyadoo la xadidayo faafinta macluumaadka aan caddayn ama aan xirfad sal u lahayn.

Sida uu dhigayo sharcigan cusub, qof kasta oo doonaya inuu baraha bulshada kaga hadlo maadooyin xasaasi ah sida caafimaadka, sharciyada, waxbarashada ama maaliyadda waa inuu haystaa shahaado ama ruqsad xirfadeed oo rasmi ah oo ku saabsan mawduuca uu ka hadlayo.

Madalaha waaweyn ee sida Douyin (TikTok-ga Shiinaha), Weibo, iyo Bilibili ayaa lagu amray inay hubiyaan aqoonta iyo aqoonsiga hal-abuur kasta oo ka hadla maadooyinkan.

Sidoo kale, sharciga cusub ayaa amraya in hal-abuurayaasha isticmaala sawirro ama muuqaallo ay sameeyeen barnaamijyada sirdoonka macmalka ah (AI) ay si cad u muujiyaan in nuxurkaasi yahay mid ay AI samaysay. Madalaha baraha bulshada ayaa lagu waajibiyey inay si joogto ah u kormeeraan nuxurka lagu daabaco, isla markaana ay ganaaxaan cid kasta oo jebisa xeerarkan.

Mas’uul ka tirsan Wasaaradda Tiknoolojiyadda ee Shiinaha ayaa sheegay in sharcigan lagu doonayo in “la xakameeyo xogta khaldan iyo wacyigelin been abuur ah oo saameyn ku yeelata caafimaadka iyo dhaqaalaha bulshada.”

Si kastaba ha ahaatee, dadka qaar ayaa sharcigan ku tilmaamay mid xaddidaya xorriyadda hal-abuurka iyo codka dadka aan helin shahaado rasmi ah balse leh aqoon iyo waayo-aragnimo dhab ah.

Sharcigan ayaa dhaqan galay 25-kii Oktoobar 2025, wuxuuna qayb ka yahay dadaallada Shiinaha ee lagu xoojinayo xakamaynta xogta, ilaalinta amniga dhijitaalka ah, iyo hubinta in hal-abuurka internetka uu u hoggaansamo xeerarka qaranka.