U bood dhigaalka

Afrika, ma hannaankii keligii taliska ayay dib ugu noqanaysaa ?

Bishii lasoo dhaafay ee Oktobar afrika waxay marti galiyay doorashooyin,intooda badan ay ku soo baxeen hoggaamiyaashii xilka hayay, waxaana doorashooyinkaas astaan u noqday af-duub, awood Maroorsi iyo ku shubasho.


Doorashooyinka daah-furnaanta iyo hufnaanta ka maran ayaa tusaale xun ka bixinaya nuuca hannaanka dowliga ah ee qaaradda, ayadoo taasi muujisay in afrika dib ugu noqanayso habkii keligi taliska ee 60-meeyadii iyo 70-tameeyadii ka jiri jiray.

12,kii Bishii October waxaa doorasho aan isbadal laga fileyn looga dareeray dalka Cameroon oo ah dowladda Kaligii taliyaha ugu waqtiga dheer Madaxda Qaaraddu uu hoggaanka u hayo, waana  Paul Biya oo taniyo 1982-dii kursiga ku fadhiya, markii 8-aadna dib isku doortay.

Doorashadaan waxaa ka dhashay Kacdoono, Rabshado iyo eedeymo caalami ah oo la xariira in lagu shubtay doorashada, yeelkeede Paul Biya dhag jalaq umasiimin arintaan, waxaana uu sidiisii caada aheed isa siiyay muda xileedkiiisii 8-aad

Tariikh ahaan Paul Biya waa kaligii taliyah ugu waqtiga dheer qaarada Afrika,  wuxuuna xukumka dalkaas hayay muddo 43-sano ah.

1982-dii ayuu xilka la wareegay kadib Markii isaga oo Ra’iisul Wasaare ka ah Cameroon uu xilka ka tagay Madaxweynihiisii.

1984, 1988, 1992, 1997, 2004, 2011, 2018, iyo haatan oo ah 2025 ayuu dhamaantood ku guuleystay doorashooyin badankood uu kali ku ahaa, hadana muddo xileed cusub oo ah kiisii 8-aad ayuu isku Caleemashubay 92 jirkan hormuudka u noqday hoggaamiyaasha ugu xil haynta dheer qaaradda .

Si lamid ah kaligood taliyaasha kale ee ka jira Qaarada, Paul Biya 2008-dii waxaa uu wax ka badalay dastuurka dalkiisa, waxaana uu meesha ka saaray qodobka xadidaya inta muddo xileed ee Madaxweyne laga noqon karo Cameroon.

29-kii bishii tagtay dalka Tanzania waxaa looga dareeray doorasho loogu yeeray “ Is Caleema saarka 2-aad ee Samia Suluhu Hassan, waxaana tartanka doorashada laga reebay 2-labada Musharax ee labada Xisbi Mucaarad ee ugu waaweyn wadankaas.

Tani waxay horseeday qalalaase, Kacdoono Rabshado wata, khasaare Mafeed  iyo mid dhaqaale iyo wadanku uu halis bur-bur halo.

Mudaharaadayaasha ayaa la wareegay garoonka Diyaarada ee Caasimada Tanzania, Waxaa la gubay guryo iyo Xaafiisyo dowladeed, waxaa la dilay Askar, sidoo kale dad shacab ah ayaa la laayay.

Haweneyda hogaamisa dalkaas Samia Suluhu Hassan uma joogsan qalalaasaha, waxaana ugu dambeyn guddiga doorashada ee Tanzania ay ku dhawaaqeen 98% dadkii codkooda dhiibtay in ay doorteen Saamia.

31,913,866 codod ayay ka heshay  32,678,844 oo cod bixiye oo laga diiwaan galiyay dhamaan xarumaha codeynta ee dalka.

Samia waxay u muuqataa mid qaaday wadada kali talisnimada ee Afrika ay caanka ku tahay waxaana ay hadda xilka sii hayn doonto 5-sano.

2021 ayay xilka la wareegtay Samia oo Mw ku xigeen ka aheed Tanzania kadib markii uu geeriyooday Madaxweynihii talada hayay John Magufuli.

Dhankiisa Nin 2aad  ee ugu Waqtiga dheer xil hayna madaxda Afrika Yowiera Musavani ayaa dhankiisa hadda wada qorsheyna in Markiisii 8-aad uu qabsado doorasho uu isku caleema shubo waxaana xukunka dalkaas oo la wareegay 1986-dii.

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Jabuuti Cismaaciil Cumar Geelle oo asna xilka hayay taniyo 1999-kii ayay baarlamaanka dalkiisu dhowaan bishii la soo dhaafay wax ka badel ku sameeyeen qodobkii xadidayay da’da murashaxa u tartamaya xilka madaxtinimada, taas oo muujinaysa in Geelle uu mar kale xilka u hanqal taagayo.

Hadaba doorashooyinkaan waxaa ay muujinayaan rajo beelka daah furnaanta doorashooyinka Qaarada iyo awood maroorsiga ka sii socda Afrika, waana astaan muujinaysa dib u curashada keligii talisnimadii ay qaaraddu 60-meeyadii caanka ku ahayd.