U bood dhigaalka

Koox xariir la leh Alqaacidda ooWeerarii ugu horreeyay Ka Fulinaysay Nigeria

Kooxda hubeysan ee Jama’at Nusrat al-Islam wal-Muslimin (JNIM) oo xiriir la leh Al-Qaacida, ayaa sheegatay mas’uuliyadda weerarkii ugu horreeyay ee ay ka fuliso gudaha dalka Nigeria, kaas oo lagu dilay hal askari oo ka tirsanaa ciidamada milateriga.

Weerarkan ayaa ka dhacay gobolka Kwara ee bartamaha Nigeria, sida lagu sheegay muuqaal ay kooxda ku baahisay barteeda Telegram, Kooxda JNIM ayaana sheegtay in weerarka uu dhacay aroornimadii Arbacadii, islamarkaana ay dileen askari, ayagoo qabsaday hub iyo lacag.

Ilo milateri ah oo u warramay wakaaladda wararka Reuters ayaa xaqiijiyey in askari lagu dilay weerarka, hase yeeshee ciidamada Nigeria kama aysan jawaabin arrintan, mana bixin faahfaahin dheeraad.

JNIM, oo la aas aasay sanadkii 2017-kii, ayaa markii hore ka hawlgali jirtay gudaha dalka Mali, balse si tartiib ah ayey u fidisay hawlaheeda, iyadoo dagaallo iyo weeraro ka fulisay Burkina Faso, Niger, Ghana, Ivory Coast, Benin iyo Togo.

Kooxdu waxay sheegtaa inay doonayso dhisidda khilaafo Islaami ah iyo in laga takhaluso dawladaha ay u aragto kuwa uu saameeyey reer Galbeedku.

Dhowaan, JNIM waxay ku dhawaaqday xanibaad ku saabsan shidaalka laga keeno dalalka deriska la ah Mali, taas oo sababisay in adeegyo muhiim ah ay istaagaan, halka dugsiyo iyo jaamacado ay xirmeen sababo la xiriira yaraanta shidaalka.

Bishii May ee sanadkan, kooxda ayaa weerar xoog leh ku qaaday magaalada Djibo ee Burkina Faso, halkaas oo ay ku dileen ku dhowaad 200 askari, halka sanadkii hore ay 200 qof oo rayid ah ku dileen weerar kale oo ay ka geysteen gobolka Barsalogho ee dalkaas.

Weerarka cusub ee ay kooxda sheegatay inuu ka dhacay gudaha Nigeria ayaa loo arkaa calaamad muujinaysa ballaarinta dagaalkeeda ee gobolka Sahel, xilli dowladda Nigeria ay horey ula tacaalaysay kacdoonno ka socda waqooyiga dalka oo ay horkacayaan kooxaha Boko Haram iyo Islamic State West Africa Province (ISWAP).