U bood dhigaalka

Samia Suluhu oo ku guuleysatay doorashadii madaxtinimada ee dhowaan ka dhacday Tanzania

Guddiga Doorashooyinka Qaranka ee dalka Tanzania ayaa Sabtida maanta ah ku dhawaaqay in Madaxweynaha dalkaas Samia Suluhu Hassan ay ku guuleysatay doorashada madaxtinimada, iyadoo heshay ku dhowaad 98% codadkii la tiriyay, inkastoo doorashadaasi ay hareeyeen muran, rabshado iyo eedeymo ku saabsan caburinta mucaaradka.

Natiijada rasmiga ah ee la shaaciyey ayaa muujisay in Madaxweyne Samia ay heshay 97.66% codadka la dhiibtay Arbacadii, iyadoo ku gacan sarreysay dhammaan gobollada dalka.

Warbaahinta dowladda ayaa ku dhawaaqday in munaasabadda caleemo-saarka ay dhici doonto isla Sabtida maalinta ah.

Doorashada, oo ahayd mid ay shacabka aad u sugayeen, ayaa kicisay mudaaharaadyo rabshado wata kadib markii musharrixiinta waaweyn ee mucaaradka laga mamnuucay tartanka ama laga hor istaagay inay isdiiwaangeliyaan.

Dadweyne careysan ayaa isugu soo baxay waddooyinka magaalooyinka waaweyn, iyagoo ku eedeeyay xukuumadda in ay doorashada u adeegsato awood ciidan iyo cabsi gelin siyaasadeed.

maalintii codbixinta, xaaladda ayaa gashay jahawareer, iyadoo goobjoogayaal ay sheegeen in mudaaharaadayaal ay gubeen dhismayaal dowladeed iyo boorarka Madaxweyne Samia.

Xisbiga mucaaradka ugu weyn ee Chadema, oo laga mamnuucay doorashada, ayaa u sheegay wakaaladda wararka AFP in ku dhawaad 700 qof ay ku dhinteen rabshadihii dhacay, iyagoo xusay in tiradaas ay ka soo uruuriyeen isbitaallo iyo xarumo caafimaad.

Si kastaba, xoghayaha guud ee Qaramada Midoobay iyo hay’adaha xuquuqda aadanaha ee UN Human Rights Office ayaa sheegay in warar la isku halayn karo ay muujinayaan in ugu yaraan 10 qof lagu dilay saddex magaalo oo waaweyn.

Dhanka kale, Wasiirka Arrimaha Dibadda ee Tanzania, Mahmoud Thabit Kombo, ayaa u sheegay Warbaahinta in dowladdu ay u maareysay arrimahaas si sharci ah oo aan xoog xad dhaaf ah loo adeegsan.