Madaxweynaha Mareykanka, Donald J. Trump, ayaa fariin uu ku daabacay baraha bulshada ku sheegay in Mareykanka uu joojin doono dhammaan gargaar iyo taageero uu siiyo dowladda Nigeria, haddii aysan si degdeg ah u joojin dilalka lagula kacayo dadka Kirishtaanka ah ee dalkaas ku nool.i
Trump ayaa ku hanjabay in Mareykanku uu qaadi doono weerar toos ah oo ciidan ah haddii xaaladda lagu fashilmo, isagoo yiri in weerarkaasi noqon doono “degdeg, adag, oo natiijo leh.”
Wuxuu sheegay in uu amray Wasaaradda Difaaca Mareykanka (Department of War) inay isu diyaariso tallaabo militari oo suuragal ah.




From the comments