U bood dhigaalka

NIRA oo Ka Hadashay Muuqaalkii Muujinayay Maamooyin Habeenkii Hor Fadhiyay Xarunta Diiwaangelinta

Sheeko:War

Muqdisho – Hay’adda Diiwaangelinta iyo Aqoonsiga Qaranka (NIRA) ayaa ka hadashay muuqaal lagu faafiyay baraha bulshada oo muujinayay haween Soomaaliyeed oo xilli habeen ah hor fadhiya mid ka mid ah xarumaha NIRA ee Gobolka Benaadir, iyagoo sugaya in la diiwaangeliyo.

War qoraal ah oo hay’addu soo saartay ayaa lagu muujiyay in NIRA ay ka xun tahay in muwaadiniin Soomaaliyeed ay xilli aan habboonayn safka u galaan qaadashada Kaarka Aqoonsiga Qaranka.

Hay’addu waxay sheegtay in arrintaas ay sabab u tahay baahida sii kordheysa ee dadka doonaya in la diiwaangeliyo, balse ay dadaal xooggan ugu jirto in adeeggu noqdo mid fudud oo si caddaalad ah loo helo.

“NIRA waxay laba-jibbaartay dadaallada lagu fududeynayo is-diiwaangelinta, iyadoo maalintii u adeegta ku dhowaad 20,000 oo qof. Waxa kale oo la furay xarumo cusub si culayska uu shacabka saaran u yaraado,” ayaa lagu yiri bayaanka hay’adda.

Sidoo kale, NIRA ayaa sheegtay in ay qaadday tallaabooyin lagu yareynayo ciriiriga, iyadoo go’aamisay in xarumo gaar ah ay shaqeeyaan habeenkii si shacabka loogu adeego 24 saac maalintii. “Xarumaha hadda shaqeeya laga bilaabo 5 galabnimo ilaa 12 habeenimo waxaa ka mid ah xarunta NIRA ee Hodan iyo xarunta Boondheere,” ayaa lagu xusay.

Hay’addu waxay intaas ku dartay in xarumaha diiwaangelintu ay subax kasta shaqada bilaabaan 7:00 aroornimo, ayna muhiim tahay in dadka aysan safka u gelin waqtiga ka horreeya furitaanka, maadaama aan la adeegayn saacadahaas.

“Waxaan si naxariis leh uga codsaneynaa shacabka sharafta leh inay muujiyaan dulqaad, isla markaana u hoggaansamaan habraacyada iyo nidaamka safafka ee NIRA. Diiwaangelinta aqoonsiguna weli waa lacag la’aan,” ayay bayaan ku soo gabagabeeyeen mas’uuliyiinta hay’adda.