U bood dhigaalka

Trump oo ku hanjabay in uu ciidamada Mareykanka ay dullaan ku qaadayaan Nigeria

Madaxweynaha Mareykanka Donald Trump ayaa ku hanjabay in uu ciidamo u dirayo ama duqeymo cirka ah ay ka fulin doonaan dalka Nigeria, si uu u joojiyo waxa uu ku tilmaamay dil ballaaran oo lagula kacayo Masiixiyiinta ku nool dalkaas Galbeedka Afrika.

Trump ayaa hadalkan jeediyay isagoo kula hadlayay saxaafadda diyaaraddiisa ka dib markii ku soo laabtay magaalada Washington, kaddib fasax uu ku qaatay gurigiisa ku yaalla gobolka Florida.

“Waxaan arkayaa in la dilayo tiro aad u badan oo Masiixiyiin ah gudaha Nigeria, Taasi ma ogolaan doonno in ay sii socoto.” ayuu yiri Madaxweyne Trump.

Hadalka Trump ayaa yimid maalin kaddib markii xukuumaddiisa ay Nigeria dib ugu dartay liiska dalalka lagu eedeeyo in ay ku xadgudbaan xorriyadda diinta.