Muslinkii Ugu Horeeyay oo Loo Doortay Duqa Magaalada New York
Magaalada ugu weyn dalka Mareykanka ee New York ayaa yeelatay Duq cusub, kadib markii Zohran Kwame Mamdani uu ku guuleystay doorashadii dhowaan ka dhacday halkaas.
Guushiisa ayaa ka dhigtay Muslinkii ugu horeeyay ee abid loo doorto Duqa magaalada New York, taas oo calaamad u noqotay isbeddelka siyaasadeed iyo bulshada magaaladaasi oo caan ku ah kala duwanaanta iyo isu-tanaasulka diimeed.
Zohran Mamdani, oo hore u ahaa xildhibaan ka tirsan Golaha Wakiillada Gobolka New York, ayaa ku guuleystay codad badan oo ka tarjumaya kalsoonida shacabka magaalada, isagoo si weyn ugu kasbaday taageerada bulshada Muslimiinta, dhalinyarada, iyo dadka laga tirada badan yahay ee New York.
Doorashadiisa ayaa loo arkaa mid xoojinaysa codka muhaajiriinta iyo bulshada diimaha kala duwan ee ku nool Mareykanka.
Zohran Mamdani waxa uu ku dhashay magaalada Nairobi ee dalka Kenya sanadkii 1991, balse wuxuu ku barbaaray New York kadib markii qoyskiisu u guureen Maraykanka.
Hooyadiis waa fannaanadda caanka ah ee Mira Nair, halka aabihiis uu yahay Mahmood Mamdani, oo ah aqoonyahan iyo bare caan ah oo u dhashay Uganda, wuxuuna wax ku bartay Bowdoin College, halkaas oo uu ku takhasusay cilmiga dhaqaalaha iyo siyaasadda.
Kahor inta uusan si rasmi ah siyaasadda ugu biirin, Mamdani wuxuu ka shaqeyn jiray arrimaha bulshada, isagoo u ololeyn jiray cadaaladda guryaha, xuquuqda muhaajiriinta, iyo sinaanta jinsiyadda.
Sanadkii 2020, waxaa loo doortay xildhibaan gobolka New York, halkaas oo uu caan ku noqday hal-ku-dhiggiisa siyaasadeed ee ah:
“Dadku waa in ay helaan awood ay noloshooda ku dhistaan, ee ma aha in awooddu ku ekaato dadka hantida leh.”
Mamdani waa Muslim cibaado badan, wuxuuna marar badan sheegay in diinta Islaamka ay dadka barayso adeegga bulshada iyo caddaaladda.
Guushiisa ayaa waji-gabax ku ah Madaxweyne Trump oo dhowaan dadka magaalada Newyork ku dhaliilay inuu guddoomiye u yahay nin muslim ahi, balse bulshada magaalada New York ayaa qabkiisii hal bacaad lagu dhisay ka dhigay.