Waxaa soo baxaya warar sheegay in burcad-badeed Soomaaliyeed ay qabsadeen markab shidaal siday oo ku socday biyaha u dhow xeebaha Soomaaliya.
Shirkadda Greek-ga ah ee Latsco Marine Management ayaa xaqiijisay in markabkooda lagu magacaabo Hellas Aphrodite si toos ah loo beegsaday.
Ilo-wareedyo ayaa sheegay in markabka hadda loo wado dhanka xeebaha Soomaaliya, iyadoo dhammaan shaqaalihii saarnaa ay weli la socdaan burcad-badeedda.




From the comments