Puntland oo dib ugu celisay Wasaaradda Amniga adeegga deganaanshaha iyo dal-ku-galka ajaanibta, kuna dhawaaqday in Hay’adda Aqoonsiga iyo Diiwaangelinta (PID) ay shaqo bilaabayso 1-da January 2026
Madaxweynaha maamulka Puntland Mudane Siciid Cabdullaahi Deni oo uu weheliyo Madaxweyne Ku-xigeenka maamulka Mudane Ilyaas Cismaan Lugatoor, ayaa Shir-guddoomiyey Shirka Golaha Wasiirada oo todobaadkan laga soo saaray go’aamo.
Qodobadda kasoo baxay Golaha: –
* Shirka Golaha Wasiirada waxaa lagu go’aamiyey in Wasaaradda Amniga maamulka Puntland dib-loogu celiyay Adeega bixinta deganaanshaha iyo dal-ku-galka Baasaboorada Ajanebiga yimaada Puntland.
* Goluhu wuxuu isku raacay in 1-da January 2026, la hawlgeliyo Hay’adda Aqoonsiga iyo Diiwaangelinta Puntland ee (PID).
* Golaha waxaa la hor keenay warbixin ku saabsan xaaladda Abaareed ee ka jirta Gobolada Puntland.
* Golaha ayaa cod aqlabiyad ah ku ansixiyey degmooyinka Ceelbuh iyo Baraagaha-qol, oo dhowaan uu degmooyin u magacaabay Madaxweynaha Dowladda Puntland.
Golaha waxaa loo qaybiyey Wax-ka- bedelka Xeerka Maamulka Goboladda, Degmooyinka iyo dhismaha Dowladaha Hoose ee Puntland, Kaasi oo ay Golaha usoo gudbisay Wasaaradda Arrimaha Gudaha, si uu Goluhu usoo akhriyo oo looga doodo Ansixintiisa Shirarka xiga ee Golaha.
Wasaaradda Deegaanka, ayaa Golaha la wadaagtay warbixin iyo talo-soojeedin ku saabsan xal-u-helida, dhibaatada Bacaadka fidaya ku hayo deegaannada Puntland.