Dowladda Tanzania ayaa ku dhawaaqday in ay raadineyso hoggaamiyeyaasha sare ee mucaaradka, kuwaas oo lagu eedeeyay in ay abaabuleen rabshado xooggan oo dalka ka dhacay intii lagu guda jiray doorashooyinkii madaxtooyada iyo baarlamaanka ee toddobaadkii hore.
Booliska dalka ayaa Sabtida maanta ah sheegay in la raadinayo 10 qof oo lala xiriirinayo falal rabshado ah, maalin kadib markii 145 qof lagu soo oogay dacwad ah khiyaano qaran ah.
Afhayeenka booliska ayaa sheegay in howlgalka lagu soo qabanayo eedeysanayaasha uu ka socdo guud ahaan dalka, isaga oo tilmaamay in ciidamada amniga iyo difaaci ay si dhab ah u wadaan raadinta kuwii qorsheeyay, iskuna duway falalkaas sharci-darrada ah.




From the comments