Madaxweynaha Turkiga Recep Tayyip Erdogan ayaa sheegay in wasiirrada arrimaha dibadda, difaaca iyo madaxa sirdoonka ee dalkiisa ay toddobaadkan safar rasmi ah ku tegi doonaan dalka Pakistan, si ay ugala hadlaan dadaallada socda ee lagu doonayo in dib loogu bilaabo wada-hadallada nabadda ee u dhexeeya Pakistan iyo Afghanistan.
Sida lagu sheegay war-saxaafadeed rasmi ah oo laga soo saaray xafiiska madaxweynaha Turkiga Axaddii, Erdogan ayaa sheegay in safarkan uu qeyb ka yahay qorshe lagu doonayo in la gaaro xabbad-joojin rasmi ah iyo heshiis nabadeed oo waara oo ka dhex dhaca labada dal ee dariska ah.
Madaxweynaha Turkiga oo dib ugu soo laabtay magaalada Istanbul kaddib booqasho uu ku tegay magaalada Baku ee caasimadda Azerbaijan, halkaas oo uu kula kulmay Ra’iisul Wasaaraha Pakistan Shehbaz Sharif, ayaa tilmaamay in Ankara ay diyaar u tahay inay fududeyso wada-xaajoodyada labada dhinac.




From the comments