U bood dhigaalka

Kenya oo dadaal xooggan ku bixineysa kursiga uu baneeyay Garsoore Cabdulqawi Axmed Yuusuf ee ICJ

Sheeko:War

Dowladda Kenya ayaa dadaal ballaaran ku bixinaysa in ay hesho kursiga Garsooraha ee Maxkamadda Caddaaladda Caalamiga ah (ICJ), kaddib markii uu xilkaasi baneeyay garsooraha Soomaaliyeed, Cabdulqawi Axmed Yuusuf, oo muddo dheer ka tirsanaa maxkamaddaas.

Kenya ayaa u magacowday Prof. Phoebe Nyawade Okowa, oo ah haweeney garsoore iyo bare sare oo caan ku ah cilmiga sharciga caalamiga ah, si ay ugu tartanto kursiga bannaan.

Doorashada ayaa maanta lagu qabanayaa golaha guud ee Qaramada Midoobay iyo golaha ammaanka, kuwaas oo si wadajir ah u codeynaya.

Dalalka Sierra Leone, Nigeria iyo Ghana ayaa sidoo kale u taagan booskan, taasoo tartanka ka dhigaysa mid adag oo ay Afrika gudaheeda si weyn isugu heysato.

Falanqeeyayaal badan ayaa tilmaamaya in dadaalka Kenya uu yahay mid ka baxsan rabitaanka keliya ee helitaanka kursi, maadaama ay dowladdu u aragto in joogitaanka maxkamadda uu muhiim u yahay danaha siyaasadeed iyo sharci ee dalka, gaar ahaan kadib markii ay ku guul-darraysatay dacwaddii badda ee ay Soomaaliya la gashay ICJ sannadkii 2021.

Si kastaba ha ahaatee, weli lama oga cidda guuleysan doonta, balse natiijada maanta ka soo baxda New York ayaa go’aamin doonta cidda Afrika ka matali doonta kursiga bannaan ee maxkamadda caddaaladda caalamiga ah.