Madaxweynaha Togo oo Cafis u Fidiyay Maxaabiis Soomaaliyeed Kadib Codsi ka Yimid Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud
Madaxweynaha Jamhuuriyadda Togo ayaa cafis guud u fidiyay maxaabiis Soomaali ah oo muddo ku xirnaa dalkaasi, kadib markii uu soo gaaray dhambaal rasmi ah oo codsi ah oo uu diray Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Xasan Sheekh Maxamuud.
Dhambaalkan ayaa waxaa si rasmi ah u gudbiyay Wasiiru-dowlaha Wasaaradda Arrimaha Dibadda ee Soomaaliya, Mudane Cali Balcad, intii uu booqasho shaqo ku joogay magaalada Lomé ee caasimadda dalka Togo.
Sida ay sheegeen saraakiil ka tirsan Wasaaradda Arrimaha Dibadda, cafiska madaxweynaha Togo ayaa la xiriiray “xiriirka saaxiibtinimo iyo wada-shaqaynta wanaagsan ee ka dhaxaysa labada dal ee Soomaaliya iyo Togo.”
Agaasimaha waaxda Afrika ee Wasaaradda Arrimaha Dibadda Soomaaliya, Cabdulqaadir Burgal, ayaa hoggaamiyay howsha soo celinta maxaabiista, kuwaas oo maanta dib ugu soo laabtay dalkooda hooyo iyaga oo xor ah.
Dowladda Soomaaliya ayaa sheegtay in talaabadani ay tusaale u tahay sida ay u shaqeyso diblomaasiyadda Soomaaliya marka ay timaado difaaca xuquuqda iyo danaha muwaadiniinteeda ku sugan dalalka shisheeye.
Wasaaradda Arrimaha Dibadda ayaa sidoo kale u mahadcelisay dowladda Togo “geesinimada iyo naxariista ay muujiyeen” iyo “in ay muujisay tixgelin ay u hayso dalalka saaxiibada la ah Soomaaliya.”