Ingiriiska & Imaaraadka oo soo saaray go’aanno adag oo ku saabsan E-Visaha Soomaaliya iyo Somaliland
Dowladaha Boqortooyada Ingiriiska iyo Imaaraadka Carabta ayaa soo saaray wargelinno muhiim ah oo si toos ah u saameynaya dadka u socda Soomaaliya iyo Somaliland, xilli uu weli taagan yahay qalalaasaha ka dhashay jabsiga nidaamka e-visa ee Soomaaliya iyo khilaafka socdaalka ee labada dhinac.
Ingiriiska: E-visa Soomaaliya oo laga dhigay qasab
Dowladda UK ayaa muwaadiniinteeda kasoo duuleysa dalkaas ku war gelisay in aysan u safri karin Soomaaliya—oo ay ku jirto Somaliland—haddii aanay wadan e-visa Soomaaliya.
Warku wuxuu sheegay in:
Qof kasta oo ka baxaya UK oo u socda meel kasta oo Soomaaliya ka tirsan laga rabo inuu horey u heysto e-visa Soomaaliya.
Xitaa haddii qofku u jeedo Hargeysa, garoomada UK ayaa lagu weydiin karaa e-visaha Soomaaliya ka hor inta aan diyaaradda lagugu oggolaan.
Hase yeeshee, UK waxay muwaadiniinteeda uga digtay in marka ay gaaraan Somaliland e-visaha Soomaaliya aan looga aqbalin goobaha socdaalka, isla markaana ay qasab tahay in ay iibsadaan fiiso Somaliland oo shaqeyneysa muddo 30 maalmood ah.
Imaaraadka: FlyDubai oo ku adkaysatay shuruuda e-visa Soomaaliya
Dhinaca kale, shirkadda diyaaradaha FlyDubai, oo xarunteedu tahay Imaaraadka Carabta, ayaa soo saartay farriin la mid ah tan UK. Shirkaddu waxay caddeysay in:
Qof kasta oo u socda Soomaaliya, ama ku socdaalka mid ah garoomada Hargeysa ama Berbera, laga doonayo inuu heysto e-visa Soomaaliya si diyaaradda loogu oggolaado.
Marka uu qofku soo gaaro Hargeysa ama Berbera, waxaa mar kale lagu khasbanaanayaa in uu iibsado fiisaha Somaliland, maadaama e-visaha Soomaaliya uusan waxba ka tari doonin gudaha Somaliland.
Diyaaradda ayaa ku celisay in tani aysan ka dhignayn in muwaadiniinta ay ku tashan karaan e-visaha Soomaaliya oo ay iska galaan Somaliland, maadaama maamulka Somaliland uu si cad u sheegay in aysan aqbalayn fiisaha dowladda federaalka.