Xiisadda badda ee u dhaxaysa Shiinaha iyo Japan ayaa mar kale cirka isku shareertay, kaddib markii Ilaalada Xeebaha Shiinaha ay ku dhawaaqeen in markab dagaal oo ay leeyihiin uu si rasmi ah u dhex maray biyaha ku xeeran jasiiradaha Senkaku, kuwaas oo ay Japan maamusho, balse Shiinuhu sheegto lahaanshahooda.
War kasoo baxay Shiinaha ayaa lagu sheegay in socdaalka markabka uu ahaa mid sharci ah oo loogu tala-galay ilaalinta xuquuqda badda ee Shiinaha, halka Japan ay dhacdadan ku tilmaamtay jabinta sharciyo caalami ah, iyada oo ku eedeysay Beijing inay si ula kac ah u kordhinayso xasradaha gobolka.
Dhinaca kale, socdaalka markabkani wuxuu kusoo beegmay xilli ay socdaan hadallo adag oo labada dal u dhexeeya, gaar ahaan kaddib markii masuuliyiin Japanese ahi ay soo saareen bayaan cusub oo ay ku taageerayaan Taiwan, arrintaas oo Shiinuhu u arko faragelin aan la aqbali karin.




From the comments