Goobjoog

XIISADDA ETHIOPIYA OO KORORTAY

Dalka Itoobiya wuxuu galay marxalad cusub oo xiisad leh, iyadoo labo awoodood oo hubeysan ay si isku mid ah u wadaan horumar ciidan oo aan hore loo arag, taas oo mugdi gelisay awooddii dowladda dhexe ee Raysalwasaare Abiy Ahmed.

XIISADDA ETHIOPIYA OO KORORTAY
SOUTH OF ETHIOPIAN BORDER, CENTRAL NORTHERN KENYA – FEBRUARY 3: OLF rebels are regrouping in Northern Kenya to safety, February 3rd, 2006, in Kenya. The OLF is orgaznied militarely as a coventional army, with its platoon, batallion, regiments. (Photo by Jonathan Alpeyrie/Getty images)

Dalka Itoobiya wuxuu galay marxalad cusub oo xiisad leh, iyadoo labo awoodood oo hubeysan ay si isku mid ah u wadaan horumar ciidan oo aan hore loo arag, taas oo mugdi gelisay awooddii dowladda dhexe ee Raysalwasaare Abiy Ahmed.

Wararka ka imanaya gobolka Oromada ayaa sheegay in Maleeshiyada Oromo Liberation Army (OLA), oo loo yaqaan Waraana Bilisummaa Oromoo (WBO), ay xoog isku ballaarinayaan deegaanada miyiga, islamarkaana ay tuulo tuulo u qabsanayaan, waxa ay helayaan taageero sii kordheysa maadaama kalsoonidii shacabka ee Abiy Ahmed ay hoos u dhacayso.

Dhanka kale, gobolka Amxaarada ayaa xaaladdu aad u kacsan tahay, iyadoo ciidamada Fano ay iyaguna si xoog leh ugu sii durkayaan jiidaha dagaalka, taas oo abuurtay mowjad kale oo mucaarad hubeysan oo dowladda ka dhan ah.

Khabiirada arrimaha Geeska Afrika waxay sheegeen in kordhinta dagaalka labada dhinac — WBO iyo Fano — ay muujineyso in dowladda dhexe ay lumineyso gacan-ku-hayntii amniga,

halka xisbiga talada haya ee Prosperity Party uu wajahayo daldaloolo siyaasadeed oo sii weynaanaya.

wararka ayaa tilmaamaya in haddii xaalada sidan ku socoto, Itoobiya ay u gali karto marxalad cakiran oo saamayn ku yeelan karta gobolka oo dhan.

Wixii kusoo kordha waan idiin soo gudbin doonaa.

Goobjoog Newsletter

Ka hel Goobjoog wixii cusub.

Warar iyo falanqayn, iimaylkaaga.

From the comments