Maxkamad gaar ah oo ku taalla Bangladesh ayaa maanta xukun dil ah ku ridday Ra’iisul Wasaarihii hore ee dalkaasi Sheikh Hasina, kaddib markii lagu helay dambiyo culus oo la xiriira “dilal, tacaddiyo iyo adeegsiga awood ciidan oo dhimasho horseeday” intii lagu jiray mudaaharaadyadii ka dhacay dalkaasi sanadkii hore.
Xukunka oo lagu dhawaaqay 11:50 subaxnimo ayaa sababay sacab, sawaxan iyo qaylo farxad leh oo ka yeertay gudaha iyo dibadda maxkamadda.
Qaar ka mid ah dadka ku sugnaa goobta ayaa ku dhawaaqayay erayo ay ku dalbanayaan in “dambiilayaasha la toogto”, halka garsoorayaasha ay ku qasbanaadeen inay dadka gudaha ugu baaqaan in la ilaaliyo nidaamka maxkamadda.
Hasina oo haatan ku nool India, ayaa lagu soo oogay dacwaddan, waxaana la xukumay iyada, wasiirkeedii arrimaha gudaha iyo taliyihii hore ee booliska dalka.
Qaramada Midoobay ayaa hore u sheegay in “boqolaal qof lagu dilay” intii lagu jiray ololaha ka hortagga dowladda.




From the comments