Faahfaahino dheeri ah ayaa kasoo baxaya dil gelinkii dambe ee shalay degmada Guriceel loogu geystay Allaha u naxariistee Deeq Cabdi Jaamac, oo ahaa dhalinyaro ganacsade ah oo caan ka ahaa magaalada.
Laamaha ammaanka Guriceel ayaa xalay soo bandhigay ninka lagu tuhmayo inuu falka ka dambeeyay, kaas oo ay sheegeen in lagu soo qabtay howlgal degdeg ah oo ay sameeyeen daqiiqado kadib markii dilku dhacay.
Inkasta oo eedeysane la soo bandhigay, haddana lama shaacin sababta rasmiga ah ee keentay in Deeq la dilo, taas oo bulshada ku abuurtay walaac iyo su’aalo badan.




From the comments