U bood dhigaalka

Hay’addaha dowladda Kenya oo lagu qaaday weerar dhanka Internetka

Sheeko:War

Kenya ayaa wajahaysa weerar cyber ah oo dhanka Internerka oo baaxad leh kadib markii dhowr wasaaradood oo muhiim ah laga hakiyay adeegyada online-ka, halka qaar kalena lagu sameeyay defacement (bogagkooda oo la beddelay ama lagu qoray fariimo aan rasmi ahayn).
Wasaaradaha la xaqiijiyay inay saameeyeen waxaa ka mid ah:

• Wasaaradda Arrimaha Gudaha
• Wasaaradda Caafimaadka
• Wasaaradda Waxbarashada
• Wasaaradda Biyaha
• Wasaaradda Shaqada iyo Shaqaalaha
Ilo ka tirsan dowladda Kenya ayaa sheegay in weerarku bilowday xilli hore oo maanta ah, iyadoo bogag badan ay gabi ahaanba hoos u dhaceen, halka qaar kale lagu arkay farriimo iyo calaamado muujinaya in kooxda weerarka soo qaaday ay gacanta ku dhigeen.

Saraakiil ka tirsan waaxda ammaanka digitalka ee dowladda Kenya ayaa sheegay inay wadaan “howlgal degdeg ah oo lagu xakameynayo weerarka”, islamarkaana ay baaritaan ku socdaan si loo ogaado halka uu ka yimid.