Ugu yaraan 42 qof oo gudashada Cumra u socday ayaa geeriyooday, halka tiro kalena ay ku dhaawacmeen, kadib shil gaari oo naxdin leh oo ka dhacay inta u dhexeysa magaalooyinka barakaysan ee Makka iyo Madiina.
Shilka ayaa dhacay kadib markii Baska ay saarnaayeen dadka Cumrada u socday uu ku dhacay gaadhi kale, xilli uu ka soo ambabaxay Makka kuna sii jeeday magaalada Madiina.
Wararka hordhaca ah ayaa sheegaya in baska ay saarnaayeen dumar iyo carruur, kuwaas oo intooda badan ka yimid magaalada Hyderabad ee dalka Hindiya.




From the comments