U bood dhigaalka

Dowladda oo ku dhawaaqday in la xakameeyay weerarkii culus ee cyber-ka ee lagu qaaday wasaarado muhiim ah

Sheeko:War

Dowladda Kenya ayaa markii ugu horreysay xaqiijisay in la xakameeyay weerar cyber oo ballaaran oo shalay lagu bartilmaameedsaday wasaarado muhiim u ah shaqada dowladeed iyo adeegyada shacabka.

Wasaaradaha la weeraray waxaa ka mid ahaa Arrimaha Gudaha, Caafimaadka, Waxbarashada, Biyaha, Shaqada iyo Tamarta kuwaas oo dhamaantood saacado kooban hawlgab noqday kadib markii bogaggooda rasmiga ah ay khalkhal galeen.

Sida ay sheegeen masuuliyiinta amniga dhijitaalka ah ee Kenya, weerarkan oo ahaa mid aad u qorsheysan ayaa sababay in qaar ka mid ah mareegaha dowladda ay si ku meelgaar ah u xirmaan halka qaar kalena loo beddelay muuqaal “deface” ah, taasoo tilmaamaysay in kooxdii weerarka fulisay ay awood u yeesheen inay fagaarahaas geli karaan.

War-saxaafadeed ay soo saareen hay’adaha ammaanka internetka ee Kenya ayaa lagu sheegay in khubarada ICT-da dowladda ay si degdeg ah uga jawaabeen weerarka, isla markaana ay ku guuleysteen in ay xirtaan marinadii loo isticmaalay jabsiga.

Waxaa sidoo kale la xaqiijiyay in aan wax xog ah laga xadin server-rada dowladda, inkasta oo baaritaan buuxa uu weli socdo.

“Waxaan xaqiijinay inaan si buuxda u xakameynay weerarka, adeegyada badankoodna dib ayaa loo soo celiyay,” ayaa lagu yiri bayaanka. Dowladda ayaa intaa ku dartay in ay kordhisay heeganka amniga dhijitaalka ah, isla markaana ay baarayaan cidda ka dambeysa weerarka iyo ujeeddadiisa.

Weerarkan ayaa kusoo beegmaya xilli gobolka Bariga Afrika uu kusii kordhayo halista weerarada cyber-ka, gaar ahaan kuwa lagu qaado hay’adaha dowladaha iyo xarumaha muhiimka ah. Khubaradu waxay hoosta ka xariiqeen in dhacdada Kenya ay muujinayso baahida degdegga ah ee waddamada gobolka u qabaan in ay xoojiyaan difaacooda internetka.

Dowladda Kenya ayaa shacabka ugu baaqday in ay feejignaadaan, ayna isticmaalaan oo keliya mareegaha rasmiga ah ee la xaqiijiyay, maadaama khalkhalka geliyay bogagga qaarkood laga yaabo inuu sababay marin habaabin iyo khatar gelin xogaha dadka isticmaala.